Murrashaxa Madaxweyne ee xisbiga WADDANI oo Hambalyeeyay Go'aamada Beesha Bariga Burco.

0
Wednesday November 29, 2023 - 10:52:54 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 904
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murrashaxa Madaxweyne ee xisbiga WADDANI oo Hambalyeeyay Go'aamada Beesha Bariga Burco.

    Murrashaxu wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu soo saaray..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Murrashaxu wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu soo saaray..



Murrashaxa madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa soo dhaweeyay go’aamada ka soo baxay Beesha bariga Burco.


 

Shirwayne loogu magacdaray Talo-wadaag oo ay isugu timid beelwaynta Bariga Burco, ayaa laga soo saaray baaq nabadeed oo ku wajahan colaadii baryahan ka taagnayd deegaanada Yayle iyo Buqdharkayn ee gobolka Sool.



 

Geesta kale waxa uu ku ammaanay sida lexejecladu ka muuqato ee ay markasta heeganka ugu yihiin badbaada dalka.


 

Murrashaxu wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu soo saaray oo u dhignaa sidan:-


 

"Waxa aan dhambaal hambalyo ah u dirayaa go’aamada bayaanka ka soo baxay Shirka tala-wadaag ee Beelweynta Habarjeclo ee ay saaka ka soo saareen magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.


 

Dhammaan madax-dhaqameedka,waayeelka, waxgaradka, culimada iyo nin garboodka ka qayb galay Shirkaa masiiriga ah iyagana waan hambalyeynayaa sida lexojeclada leh ee ay dalka iyo dadkaba u badbaadinayaan goor walba.”

Loading...
Loading...