Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Qodobada Shirka Habarjeclo Ka Hadlay.
Hargaysa (HWN) Siyaasi
Maxamuud Xaashi ayaa ka hadlay go’aamada ka soo baxay shirka beesha Habarjeclo
oo maanta lagu soo gabagabeeyay Burco.
Gudoomiye Maxamuud
Xaashi ayaa qoraalkan hoose kaga hadlay qodobada ka soo baxay shirka.
"Waxa aan si balaadhan
u boggaadinayaa qoddobada iyo war-murtiyeedka ka soo baxay shirweynahii Beelaha
Habarjeclo ee TALOWADAAG. Shirweynahaas oo soconayay muddo afar-maalmood ah,
waxa ka so qaybgalay mudantii beelaha Habarjeclo oo isugu jiray Salaadiin,
Cuqaal, Wax-garad, Aqoonyahan, Ganacsato, Siyaasiyiin iyo Xildhibaano.
Waxaan si mug iyo
miisaan leh u soo dhaweynayaa garnaqsiga, dan-sheegadka, dardaraanka iyo
aragtida togan ee ay bud-dhigga u tahay in ay difaacaan degaankooda iyo
dadkooda, isla-markaana aanay marnaba cid kale duullaan ku ahayn.
Beelaha Habarjeclo
waxaa xil ka saaran yahay difaaca degaananadooda iyo dadkooda. Balse, arrimaha
Qaranimada Guud waxa ay kala siman yihiin beelaha kale ee Somaliland.
Ugu dambayn, waxa aan
soo dhaweynayaa baaqa shirka, ee la xidhiidha in la dhamaystiro xeerka
doorashooyinka ee qabyada ah, si loo soo afmeero khilaafkii siyaasiga ah ee
dalka ragaadiyay, loogana baxo hubinta la’aanta siyaasadeed ee dhaawacday
midnimadii iyo wadajirkii ummadda. Waxaa lagama maarmaan ah in dalka laga
abuuro deganaansho iyo jewi doorasho.”
Shirka ayaa qodobada ka
soo baxay waxaa kamid ah in habarjeclo dhulkeeda difaacato