Musharax CIRRO Oo Ka Hadlay Qodobada Ka Soo Baxay Shirka Habarjeclo.
Hargaysa (HWN) Musharrax
madaxwayne ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka
hadlay shir maanta beesha Habarjeclo ugu soo dhamaaday magaalada Burco oo ay
qodobo ka soo saareen.
"Waxa aan dhambaal
hambalyo iyo bogaadin ah u dirayaa go’aamada bayaanka ka soo baxay Shirka
tala-wadaag ee Beelweynta Habarjeclo ee ay saaka ka soo saareen magaalada Burco
ee xarunta Gobolka Togdheer.
Dhammaan
madax-dhaqameedka, waayeelka, waxgaradka, culimada iyo nin garboodka ka qeyb
galay Shirkaa masiiriga ah iyagana waan hambalyeynayaa sida lexojeclada leh ee
ay dalka iyo dadkaba u badbaadinayaan goor walba.” Ayuu yidhi musharax Ciro.
Qodobada ay soo saartay
Habarjeclo ayaa sheegay in ay isdifaacayo Habarjeclo.