Zumbi/zombie marka aan maqalno magacaas isla markiibo waxaa nagu soo dhacayo filimada hororka ah ee Hollywood
Zumbi/zombie marka aan maqalno magacaas isla markiibo waxaa nagu soo dhacayo filimada hororka ah ee Hollywood-ka balse magacaan waxaa lahaa hogaamiye muslim ah kana soo jeedo qaarada afrika gaar ahaan wadanka koongo.
Hogaamiyahaan wuxuu ku dhashay magaalada balmares ee wadanka baraaziil, magaaladaas waxaa ka talin jiray ganga zumba oo ah adeerka zumbi, gaanga zumba wuxuu ka baxsaday adoonsigii bortaqiiska wuxuuna sal-dhigtay magaalada balmares wuxuuna halkaas ka aas'aasay boqortooyo islaami ah wexeena hoy unoqotay ruux walboo gobonimo doon ahaa kana baxsanaye gumeestihii bortaqiiska.
Zumbi balmares marka uu weynaade ayuu arkay adeerkiisa ganga zumba oo heshiis lagalayo gumeestihi bortaqiiska, heshiiska wuxuu ahaa mid xoriyad lagu siinayo magaalada balmares iyo dadkeeda iyagane in ay ka qeeb qaataan gumeesiga afrikaanta kale oo ay gumeestaha usoo celiyaan haddii uu magaaladaan soo galo, balse zumbi balmares oo ay ucuntami weysay arintaas ayaa adeerkiis afgenbiye oo xukunka kala wareegay halkaasna kasii waday dagaalkii ay kula jireen gumeestaha bortaqiiska, halgankiisa wuxuu socday laga bilaabo 1678-1694, wuxuu qabsaday 20 magaalo oo katirsanaa wilaayada baahaaya oo gumeestaha heestay balse nasiib daro waxaa daciifay awoodi boqortooyadiisii maadaama uu dagaalo faro badan lagalay gumeestaha bortaqiiska waqti dheerna socday.
Ugu danbeen zumbi balmares waxaa gacanta gumeestaha u geliye mid kamid ah dadkii ugu dhawaa gaar ahaan sanadka markuu ahaa November/20/1695,kadib gumeestihi ayaa bilaabay inee xubin-xubin ujaraan illaa uu ka shahiiday ilaahey jannadiisa haka waraabiyee, intaas kadib ayee magaalooyinka waaween kusoo bandhigeen taasoo keentay in dadki inti ugu badneed ay isdhiibaan inti iska caabinta sii wadayna la jabiyo, gumeestihi marka uu qabsaday dhulki boqortooyada islaamiga eheed wexee dadka xoog uga saareen diinta islaamka, luqadooda ayey ku qasbeen wax walboo islaannimadooda muujinayane halkaas ayee ku soo afjareen dadka guud ahaanna wexee ka dhigeen kuwo ladilo, kuwo la adoonsado iyo kuwo magaalooyin kale loo masaafuriyo si looga inee dib umioodbaan.
{Filimki ugu horeeye ee zombii loogu magacdaro wuxuu ahaa 'Night of the Living Dead' oo sitoosa loo baahiyay 1974 lana qoray 1968, ujeedka wuxuu ahaa in la badalo taariikhda haalyeygaan muslimka maadaama dunida lagu baahiye inuu qaarada mareekanka helay nin kirishtaan ah iyadoo leysku lamaaneenayo magaca zombii/zumbi iyo gumeestaha bortaqiiska sida ay u muuqaal badaleen}
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!