"Mucaaradku Buuqa & Gujada Ha Ka Daayo Doorashada …" Wasiirka Siciid Sulub

0
Monday November 27, 2023 - 10:15:33 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 987
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    "Mucaaradku Buuqa & Gujada Ha Ka Daayo Doorashada …" Wasiirka Siciid Sulub

    "Shacabka reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa in loo midoobo xaaladaha dalku ku jiro"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Shacabka reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa in loo midoobo xaaladaha dalku ku jiro"


 


 

Hargeysa (HWN) Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Jamhuuriyadda Somaliland Siciid Sulub Maxamed ayaa ka hadlay xaalada guud ee uu dalka, waxaanu sheegay in midnimo iyo wada-jir lagaga bixi karo xaaladaha manta dalka ka taagan.

 

Wasiir Sulub ayaa intaasi ku daray in loo baahanyahay in loo midoobo oo gacmaha laysu qabsado sidoo looga bixi lahaa xaaladaha manta ka taagan gayiga Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in bulshadu kala tafaraaruqdo oo meel loo wada jeedsan waayo.

 

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Waxa aan doonayaa shacabka reer Somaliland in aan ugu baaqo xaalad adag ayaa lagu jiraa, ninka hoos u eegaana waa nacas, waa mid liita, waxa fiican in laga midoobo xaaladaha adag ee lagu jiro. waxaana ina ragaadiyay khilaaf iyo quluubta dadka oo kala jeeda, iyada oo wax badan oo laysku hayaana aanay jirin, waxaana nasiib darro wayn ah in aynu meel u wada jeedsan wayno. Waa in gacmaha lays qabsado, duruufaha jira Midnimo ayaa lagaga bixikaraa, hadalku dad ayuu u suntanaa oo ninkii wax garanaya ayaa hadli jiray”.

 

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxa uu tilmaamay in Xukuumadda balanqaaday in doorashooyinkii ku dhacayaan wakhtigii loogu talo galay, waxaana uu yidhi "Waxa aan leeyahay marka ay noqoto Doorashada oo axsaabta Mucaaradku ay ka hadlaan, Xukuumadda way ballanqaaday in doorashooyinku ay wakhtigooduu ku dhacaan, taas oo ay xukuumaddu ka aqbashay gudidii dhexdhexaadinta iyada oo danta dalka u tanaasushay in ay qabato doorasho isa saara. saddex cisho gudahood ayaa Madaxweynuhu digreeto ku gudbiyay in go’aankaas la waafajiyo sharciga dalka u yaala, Golaha Wakiilada Somaliland waa ka gutay waajibkiisii, Golaha Guurtida ayuu marayaa, waajibkooda ayay ka gudanayaan ee ha loo samro. Mucaaradku buuqa iyo gujo gujada ha ka daayaan, xukuumadda waxa ay diyaarisay dhaqaalihii doorashada lagu gali lahaa, doorashadaduna waxa ay ku dhacaysaa wakhtigii loogu talo galay,”.


Loading...
Loading...