Xukuumadda Somaliland Oo Bilawday Dhismaha Madaarka Boorama
Boorama (HWN)
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dib u bilawday dhismaha Madaarka
Diyaaradaha Aadan Isaaq ee Magaalada Boorama, kaasi oo xidhnaa muddo aad u
badan.
Hay’adda Duulista iyo
Madaarada Somaliland ayaa shaacisay inay dib u bilawday dhismaha garoonka
diyaaradaha ee Boorama, waxaana maanta(shalay) halkaasi ka soctay shaqo culus
oo lagu bilaabay dhismaha jidka ay diyaaraduhu adeegsadaan ee (rain way) oo la
arkayay gaadiidka ciida qaada oo halkaasi ku mashquulsan si ay u buuxiyaan
jidkaasi.
Hay’adda Duulista iyo
Madaarada ayaa sidan ku sheegtay war qoraal ah oo ay shalay soo saartay iyada
oo bulshada ku wargalisay in la dhisayo madaarka diyaaradaha ee magaalada
Boorama.
Wakhti dhawayd ayay
ahayd markii wafti uu hogaaminayo Madaxwayne ku xigeenka Somaliland
Cabdiraxaman Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo xubno ka mid ah golaha wasiirada
ay dhagax dhig ku sameeyeen madaarka Boorama si loo bilaabo dhismihiisa, taasi
oo ay dhagax dhigaasi ka jawaabtay Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland
oo ay haatan bilawday dhismihiisa.
Garoonka diyaaradaha
magaalada Boorama ee Aadan Isaaq Airport ayaa xidhnaa wakhti aad u badan, balse
waxa jirtay marar badan oo ay Hay’adda Duulista iyo Hawada Somaliland ay
shaqooyin ka qabatay sida xayndaabka dhuleed ee madaarka oo ay xaqiijisay,
balse hadda ay dhismihiisa si rasmi ah loo bilaabay.