Xaggee Ku Dambeeyay Xaalka Aabbihii Qoyskiisa Ku Waayay Daadadka?
Maxamed Sheekh Xuseen
Maxamed oo ah aabbe deggan meel u dhow xeryaha barakacayaasha magaalada
Kismaayo ayaa shalay aad u qabsaday baraha bulshada, kadib markii uu kasoo
muuqday muuqaal isagoo ilmeynaya kana murugeysan qoyskiisa oo uu ku waayay
daadadka.
Ninkan ayaa sheegay
inuu u maleynayo in xaaskiisa iyo carruurtiisa oo uu dhalay ay daadadku
qaadeen, kuwaasoo markii isugu war dambeysay isaga ka baxsanayay daadadka oo ku
fatahay deegaankooda.
"Waxaan ogaa inay
ka baxeen Koban, meel ay ku dambeeyaan ma aqaan," ayuu yiri.
"Xaggeen ka
raadshaa meel aan u maro maba lahan," ayuu intaa sii raaciyay isagoo
ilmeynaya.
Maanta ayay BBC-da la
hadashay Maxamed, wuxuuna sheegay inuu helay war ah in qoyska haatan ay ku
sugan yihiin meel u dhow degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, balse uusan
xaqiijin karin.
"Meel Koban la
yiraahdo oo Jilib agteeda ayay sii marayeen markaan ogaa, biyaha ayaa laga kala
cararayay dad badan ayaana la socday oo keligood ma ahayn," ayuu yiri.
"Biyihii koowaad
ayaa la dhaafiyay iyagoo tuuladaas joogta ayaan ogaa, kadibna biyo xoog leh
ayay sii dhex mareen kuwaas baan u heystay inay qaadeen," ayuu intaa sii
raaciyay.
Maxamed ayaa sheegay in
in ka badan 10 casho ay kala maqnaayeen qoyskiisa.
Haatan wuxuu ku sugan
yahay meel la yiraahdo Luglaawe oo Kismaayo u dhow, wuxuuna sheegay inuu raadin
doono qoyskiisa marka uu helo waddo uu usii maro.
"Carruurtu saddex
ayay ahaayeen. Nin aan is naqaannay ayaa iisoo tabiyay in la helay, laakiin ma
aqaanno inay run iyo been mid tahay,"
Maxamed ayaa isagu la
cararay riyo uu lahaa oo uu daadadka ka badbaadinayay halka xaaskiisa iyo
carruurtuna ay isa sii raaceen.
"Hadda xitaa ayaga
kama war hayo, laakiin markay ii suurto gasho waan raadin doonaa,"
BBC