Ujeedada Safar Raysal Wasaaraha Somaliya Ku Tagay Kismaayo.
Ra'isul Wasaaraha
dowladda Federaalka Xamsa Cabdi Barre ayaa safar la xiriira 'u kuurgelidda
xaaladaha bini'aaddantinimo ee ka dhalatay daadadka El-nino oo saameyn xooggan
ku yeeshay Jubaland, dardar-gelinta howl-galka wajiga labaad ee dagaalka ka
dhanka ah Al-shabaab' ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka
Jubaland.
Ra'isul Wasaaraha oo ay
wehliyeen xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada ayaa waxaa garoonka diyaarahada
ee Kismaayo kusoo dhaweeyay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, xubno ka
tirsan maamulkiisa iyo shacabka Kismaayo.
"Socdaalka
Ra’iisul Wasaaraha ee Jubbaland ayaa la xiriira u kuurgelidda xaaladaha binu
aaddantinimo ee ka dhalatay daadadka El-nino oo saameyn xooggan ku yeeshay
deegaannadan, dardar-gelinta howl-galka wajiga 2aad ee ciribtirka Khawaarijta,
xarig jarka iyo dhagax-dhigga mashaariic horumarineed iyo xoojinta
wada-shaqeynta hey’adaha Federaal iyo kuwa dowlad-goboleed Jubbaland."
ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay warbaahinta dowladda Soomaaliya.
Jubaland ayaa waxaa si
weyn u samaayay daadadka cimilada El Nino oo ku si ba'an sannadkan ugu dhifatay
Soomaaliya, waxaana ka dhashay khasaare naf iyo maalma leh.
VOA