War Deg Deg Ah:-Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Oo Shaaciyey Go'aan Ay Ka Qaateen Xidhiidhka Wadanka Guinea.

0
Thursday July 04, 2019 - 16:49:58 in News by
  • Visits: 3856
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Oo Shaaciyey Go'aan Ay Ka Qaateen Xidhiidhka Wadanka Guinea.

    War Deg Deg Ah:-Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Oo Shaaciyey Go'aan Ay Ka Qaateen Xidhiidhka Wadanka Guinea.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Oo Shaaciyey Go'aan Ay Ka Qaateen Xidhiidhka Wadanka Guinea.

Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa shaacisay go’aan ay ka qaadatay xidhiidh ay sheegtay inay la lahayd wadanka Guinea Conakry ee ku yaala galbeedka Afrika.

Wasiirka arimaha dibada soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dawlada soomaaliya ay xidhiidhkii u jartay wadanka Guinea Conakry ee ku yaala galbeedka qaarada Afrika.

wasiirka arimaha dibada soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo soo bandhigaya sababaha keenay inay xidhiidhka u jaraan wadanka Guinea Conakry ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa "Dowlada Guinea waxay ku xadgudubtay qarannimada iyo midnimada Soomaaliya kadib markii sida Madaxweyne dal ay u maamuustay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo booqanaya dalkaas"

Image result for axmed ciise cawad

Talaabada ay soomaaliya qaadatay ayaa lala xidhiidhinayaa iny ka dhalatay booqashada uu madaxweynaha somaliland iyo weftigiisu ku joogaan wadankaasi iyo qaabka loo qaabilay.

Go’aankan ay soomaaliya qaadatay ayaa ka mid noqonaya talaabooyinka ka dhanka ah somaliland ee ay qaadaysay mudadii uu majaraha u hayey madaxweyne Farmaajo

Loading...
Loading...