Garaad Jaamac Garaad Cali wuxuu yidhi " hadaad maqashaan Muusow Ciidanka fasax- macanaheedu waxa weeye, Muusow Habarjeclo dagaal geli."

0
Saturday November 25, 2023 - 10:47:04 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1435
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Garaad Jaamac Garaad Cali wuxuu yidhi " hadaad maqashaan Muusow Ciidanka fasax- macanaheedu waxa weeye, Muusow Habarjeclo dagaal geli."

    Mar kasta oy Garaadada iyo maamulka SSC ku dhawaaqaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mar kasta oy Garaadada iyo maamulka SSC ku dhawaaqaan

Qore: Naaleeye.

Qof kasta oo reer Somaliland ah wuxuu kuu sheegayaa, in Muuse Biixi markii uu burburiyey Ciidankii Qaranka, inuu Qof kasta oo Habrjeclo ah u aqoonsaday inuu ka tirsanyey Ciidanka Qaranka. Mar kasta ood maqasho Muusow Ciidanka fasaxna, macnaheedu yahay, Muusow Habarjeclo dagaal geli.


Habar jeclo, waa beeshii hore Cigaal ugu adeegsaday Xasuuqii beesha Garxajis iyo burburintii magaalada Burco. Habarjeclo waa beesha Muuse u adeegsaday 8 dii bilood ee duqeynta reer Sool. Waa beesha maanta Ciidan qaran ahaan loogu weerarayo Yeyle iyo aagga Buqdharkeyn.Waa beesha mustaqbalka Ciidan qaran ahaan Muuse ku weerari doono Guumeys iyo Aagaga Laamiga.



Mar kasta oy Garaadada iyo maamulka SSC ku dhawaaqaan baaq nabadeed, Siyaasiyiinta iyo madaxda dhaqanka Habarjeclo waxay ku jawaabaan Dhulbahantow waan idinla qaadaney dagaalka aad ku baaqdeen!!.


Waa dad meeli u cadahay, meeli ka madow. Baaq kasta oo nabadeed, wuxuu dhegaha Habarjeclo ugu dhacayaa inuu yahay baaq colaadeed. Waxayna ku jawaabaan, dagaalka aad ku baaqdeen waan idinla qaadanay.


Muuse Biixi, isagoo adeegsanaya Qabqablayaasha dagaalka ee Habarjeclo (Habarjeclo war lords), oy ka mid yihiin Saleebaan Gaal, Ina Kaahin, Cali Mareexaan, Kujare iyo Suldaan Siciid, wuxuu Habarjeclo u adeegsanayaa ajendihiisa qarsoon ee ah inuu dalka dagaal geliyo si uu uga dhuunto fadeexadii ka dhalatay burburkii uu gaadhsiiyey Ciidankii qaranka iyo inaan dalka doorasho ka dhicin.


Hadaba, waxa la is weydiinayaa, dagaalka is miidaaminta ah ee Habarjeclo keligeed wado iyo raashinka Sacad Muuse iyo Suldaan Xasan, ma fullin karaan ajendaha qarsoon ee Muuse ka leeyahay Somaliland oo ah inuu noqdo Boqor aan dhicin?


Somaliland oo beel beel u kala fadhida, macaluul baahsani ka jirto, Hantideedii guurto iyo ma guurtaba la xaraashey, doorasho loo diidey, deriskeedii iyo Caalamkiiba laga soo oodey, Eeexda, qaraaba kiilka iyo cabudhintu caadi ka noqotay, Habarjeclo keligeed kursiga ma ku heyn kartaa Muuse Biixi?


Siyaasiyiinta Habarjeclo iyo qaar badan oo ka mid ah madaxdooda dhaqanku, waxay hore taariikhda ugu galeen inay yihiin Kacaan yahaniin iyo Qabqablayaal dagaal oo Madaxweyne kasta oo Subeer awal ah u adeegsado dagaalada sokeeye iyo cabudhinta reer Somaliland.


Waxa la diiwaan geliyey in 1000 kii Qof ee u dhinta difaaca Muuse Biixi ay 800 oo ka mid ah yihiin Habarjeclo, 500 ee qof ee maxaabiis ahaan loo qabtana, 300 oo ka mid ah yihiin Habarjeclo, sidaas oy tahayna aanay jirin wax dhaqaale ah iyo Horumarin dheeraad ah oy ka helaan Muuse Biixi oon ka ahayn Xusbiga Kulmiye ayaan idinku wareejiyey.


Sidaas darteed, waxa lagula talinayaa qabiilkaas ballaadhan inay is daba qabtaan oo aan siyaasi dan leh iyo Suldaan biidhi qaate ah, aanu Dhalinyaradiina gelin dagaal lagu xasuuqmo oo aan If iyo Aakhiro midna guul laga gaadheyn. Waxa la idiinka digayaa in masiirkiinu ku dhamaado ceeb aduunyo iyo Ciqaab Aakhiro. Nabada qaata oo joojiya dagaalada, kuna ekaada deegaanadiina.


Qore. Naaleeye.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...