Somaliya Oo Ka Mid Noqotay Urur Gobaleedka Bulshada Bariga Afrika
Arusha, Nofeembar 24,
2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-galay
Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada
Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda
Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda dalladan.
Madaxweynaha ayaa xusay
dadaalka uu ku bixinayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada dalladan,
maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah,
fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa, waxa uuna ammaanay khubarada
iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan
dalladan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya.
"Maanta oo aan furnay
bog cusub oo ka mid ah taariikhda Soomaaliya, waxaa sharaf weyn ii ah in aan
idin hor istaago annagoo si rasmi ah uga mid noqonayno xubnaha dallada Bulshada
Bariga Afrika. Tani kaliya kama tarjumeyso hiigsigeenna ee waa ifafaalo
mustaqbal wanaagsan, fursado iyo awoodaha bulshadeenna. Waxaan dalladan ugu soo
biirnay in aan xoojinno xiriirka saaxiibtinimo, ka qayb-qaadanno horumarka
wadajirka ah, doorna ku yeelanno mustaqbalka wanaagsan ee shucuubta gobolka.”
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Madaxda dalalka Bariga Afrika aqbalaadda
codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada dalladdan, waxa uuna
soo bandhigay faa’iidada ay u leedahay Shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in
Soomaaliya ay ku soo biirto, maadaama ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji
ah dhaca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga qaaradda.
DHAMMAAD