Xildhibaan Usoo Jeediyay Muuse Biixi In Uu Iscasilo.
"Muusow adiga dagaalka Laascaanood riday oo waxaad islahayd Dhulbahante"
Hargaysa (HWN)
Xildhibaan Mubaarig Xeeldheere oo kamid ah Golaha Wakiilada Somaliland ayaa
usoo jeediyay Muuse Biixi in uu iscasilo, isagoo sababtana ku sheegay in uu
dalka taldiisa ku fashilmy Muuse Biixi.
"Muusow adiga dagaalka
Laascaanood riday oo waxaad islahayd Dhulbahante yaanu Xisbiga Waddani u codayn
doorashada.
Maantana talada dalka
waad ku fashilantay ee waxan kuu soo jeedinayaa inaad Iscasisho,dalku maanta
meel adag buu marayaa" ayuu yidhi Xildhibaan Xeeldheere oo maanta
warbaahinta la hadlay.
Shalay ayay ahayd
markii xisbiga Waddani usoo jeediyay in Muuse Biixi iscsilo.
Loading...
Loading...