Muxuu Yahay Xeerka Ay Isku Fahmi La'yihiin Baarlamaanka Puntland Ee Buuqa Sababay?

0
Friday November 24, 2023 - 06:48:53 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Yahay Xeerka Ay Isku Fahmi La'yihiin Baarlamaanka Puntland Ee Buuqa Sababay?

    "Muuqaal lagasoo duubay hoolka baarlamaanka ayaa lagu arkayay xildhibaano cadhaysan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Muuqaal lagasoo duubay hoolka baarlamaanka ayaa lagu arkayay xildhibaano cadhaysan"



Puntland waxaa hareeyay khilaaf dhinaca doorashooyinka ah iyadoo lagu kala qayb samay habkii ay u dhici lahayd doorashada maamulka iyo xilliga ay dhacaysaba.

 

Maamulka, mucaaradka iyo isimada intaba waxay sheegeen in ay xusul duub ugu jiraan xallinta khilaafka iyo muranka taagan ee ku aaddan doorashada, hase yeeshee waxaa jirta kala argti duwanaan ay sheegeen dadka qaar inay curyaamineyso hab sami u socodka diyaar garowga doorashada.

 

Haddaba si loo xasiliyo muranka hareeyay doorashada, barlamanka Puntland ayaa 14-kii bishan November xildhibaannada golaha u qaybiyey wax ka-beddelka xeerka doorashooyinka Puntland, iyadoo lagu wareejiyey guddi gaar ah oo uu guddoomiyaha baarlamanka magacaabay.

Intaa kadib maanta oo ay bishu tahay 23-ka bisha November ayaa lakala diray guddigii uu magacaabay guddoomiyaha barlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

 

Kulankii maanta ay xildhibaannadu ku lahaayen magaalada Garowe, ayaa kusoo dhamaaday buuq iyo gacaan qaad, ka dib markii xildhibaanadu ay si adag isugu khilaafeen meel marinta xeerka wax ka beddelka doorashooyinka.

 

Muuqaal lagasoo duubay hoolka baarlamaanka ayaa lagu arkayay xildhibaano caraysan oo isku fara baxsanaya.

 

Muxuu yahay xeerkaan khilaafka dhaliyay?

Xeerkaan ayaa ahaa mid loo diyaariyay qabashada doorashooyinka ee Puntland, gaar ahaan tan la filayo inay dhawaan dhacdo ee guddiga doorashooyinka iyo madaxtooyaduba sheegeen inay noqon doonto mid dadweynuhu soo doortaan hugaamiyaasha maamulka, sida madaxweynaha iyo xubnaha Golaha Shacabka.

 

Hadaba buuqaan maanta ka dhashay baarlamaanka ayaa waxaa sabab u ahaa isfahmiwaa dhexmaray guddiga loo diray inay wax ka badal ku sameeyeen xeerka iyo guddoonka baarlamaanka.

 

Guddiga ayaa sheegay inay in ay doonayaan in la sii waqti dheeraad ah, ka hor inta aan la meelamrin xeerkaan, iyadoo la eegayo xaaladaha amni ee ka jira magaalada Garowe, iyo in fursad la siiyo dedaalada guddiyada dhex dhexaadinta ee ku howlan in xal siyaasadeed la gaaro.

 

Balse gudoonka baarlamaanka ee Puntland ayaa kala diray gudigii, iyaga oo sheegay in kulanka golaha lagu isugu soo laaban doono maalinka axadda ah.

 

Gudoomiyaha baarlamaanka ee Puntland Cabdirashiid Yuusuf oo ka hadlay isfahmiwaaga ayaa yiri: "Shaqo dheeri ah kadib waxa ay codsadeen [Guddigu] in dib loo dhigo oo khamiista ay soo gudbiyaan, iyagoo wax kabadal kusoo sameeyay.

 

"Mudanayaal taa beddelkeeda guddigu wax kabadal ma aysan soo sameynin oo waxa ay noosoo gudbiyeen qoraal kooban laakiin wax kabeddelkii aa sugeynay ma heyno”,

 

Isaga oo hadal ka jeedinaya golaha dhexdiisa ayuu sheegay gudoomiye Cabdirashiid in iyagu ay la wareegayaan masuuliyadda xeerka, ayna ka baaraan dagi doonaan labada maalin ee soo socota, ka hor inta aan la isku soo laaban axadda.

 

Dhinaca kale xildhibaan Saadaq Abshir Garaad oo ahaa guddoomiyaha guddigii la kala diray ayaa ku eedeeyay guddoonka baarlamaanka inay dan gooni ah ka raadinayeen wax ka badalka xeerka.

 

"Saaka markii aan isu nimid xaaladaha nabad gelyo iyo dhex dhexaadinta siyaasadeed awgeed, waxa aan soo jeedinnay xeerkan in uu u baahanayahay waqti dheeraad ah, xaq ayuu guddigu u leeyahay in ay soo celiyaan, xaq uma laha guddoonku in xeerka uu meel dhexe u istaago, waan ku sharafnay, hase yeeshee guddoonka waxaa u muuqatay in wixii ay rabeen ay Meesha ka waayeen” ayuu yiri xildhibaan Saadq Abshir.

 

Wuxuu ku macneeyay waqtiga dheeraadka ah ee ay codsadeen in qodobada qaar ay dhexdoodu isku fahmi waayeen. Mid kamid ah qodobadaas ayuu sheegay inuu yahay hanaanka loo qabanayo doorashada.

 

Qodobadaan ay isku fahmi waayeen ayuu ku sheegay kuwa laga yaabo hadii aan la xallin inay keenaan cawaaqib xun oo saameya nidaamka maamul ee Puntland.

 

Dhinaca kale beesha caalamka ayaa Puntland ku riixeysa in ay qabato doorasho aan la’isku khilaafsaneyn.

 

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing ayaa madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ku boorrisay in khilaafka doorashada lagu dhammeeyo is-afgarad, xilli dowladda madaxweyne Deni ay dooneyso in Puntland laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaradka iyo musharraxiinta kale ay ka biyo-diiddan yihiin, taas oo sare u qaadday murankii siyaasadeed.

 

Xiisado siyaasadeed oo cabsi abuuray ayaa dhowr mar ka dhacay magaalada Garowe iyadoo qaar kamida dadka magaalada ay barakeceen Axadii.


Loading...
Loading...