Maxay Yihiin Wadahadalada Udhaxeeya SLAND & Ethopia Ee Ku Saabsan Dekeda?
Sida ay sheegtay
wakaaladda warar ee Itoobiya, (EPA), iyada oo soo xiganeysa wasiir ka tirsan
xukuumadda Itoobiya, waxaa meel wanaagsan maraya, siina hagaagaya wadahadalo u
dhaxeeya dawladda Itoobiya iyo jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday
madaxbanaanida ee Somaliland, kuwaas oo ku aadanaa in dawladda Itoobiya ay wax
ka isticmaasho takadda wayn ee magaalada Berbera.
Warkaan ayay wakaaladdu
ku daabacday bogga ay ku leedahay barta Facebook.
Bishii aynu soo
dhaafnay ee October, ayaa ra’iisl wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed sheegay, in
helitaanka bad iyo takad uu yahay mid ay ku xiran tahay ‘jiritaan Itoobiya’,
arrintaas ayaa walaac ka dhex abuurtay wadamada dariska la ah Itoobiya.
Wasiirka gaadiidka iyo
lojistikada ee Itoobiya, Alemu Sime ayaa hadalkaan ka sheegay shir ay lahaayeen
golaha wasiirada ee dalka kaas oo uu shir gudoominayay ra’iisul wasaaraha Itoobiya
Abiy Axmed sida ay sheegtay wakaalada EPA ee arrintaan baahisay.
Hadaba si aan wax uga
sii ogaano waxa ay yihiin wadahadalaan ayaan la xariirnay wasiirka arimaha
dibada ee Somaliland Dr Ciise Kayd, balse waxa uu sheegay in aanay jirin wax
wada hadal ah oo ay la leeyihiin Itoobiya.
"Arrintaan waxay ku
saabsan tahay sheekadii hore ee 19%” ayuu yiri waiirka oo sheegay in arrintani
mar hore ahayd, warkeediina hadda dhamaaday.
Heshiiskaas ayuu
sheegay in Itoobiya ay ka soo bixi waysay shardigii laga rabay ee ay qaybta uga
noqon laheed dekadda Berbera ee ay haatan gacanta ku hayso DP World.
"Itoobiya waa ay bixin
waysay lacagtii laga rabay, sidaas ayayna ku waysay qaybtii ay rabtay,” ayuu
wasiir kayd sii raaciyay hadalkiisa.
Dadka qaar ayaa walwal
ka muujiyay in Itoobiya ay si walba ku qaadan doonto baddaha ku teedsan
wadamada ay dariska yihiin, balse wasiir Kayd wuxuu leeyahay "Wax walwal
ah ma qabno".
Itoobiya waxay
isticmaashaa dekadda dalka Djibouti, halkaas oo ay kala soo dagto 95%
waxyaabaha ay dhoofiso iyo kuwa ay la soo dagto intaba. Balse wasiirka
gaadiidka ee Itoobiya wuxuu sheegay in waddankiisu uu u baahan yahay takado
kale oo ay u baxsan karaan, sidaas daraadeedna wadahadlo ku aadanaa inay
isticmaalaan takadda Berbera ay socdaan meel wanaagsanna u marayaan, ayay
wakaaldu ku dartay intaas,
Sidoo kale wakaaladda
ayaa daabacday in wadahadalo u socdaan dawladda Kenya iyo dawladda Itoobiya,
kuwaas oo ku aadan in Itoobiya ay isticmaasho dekadda Lamu, sida ay sheegtay
wakaaladdu.
Horay ayaa waxaa u
jirayheshiis saami qabeysi oo ay u galeen Somaliland, Itoobiya iyo shirkadda
laga leeyahay Imaaraatka ee DP World kaas oo dhigayay in 51% boqolkiiba ay
takadda yeelaneyso DP World, $30 boqolkiiba ay yeelan doonto Somaliland, halka
dowladda Itoobiya ay qaadan laheed boqolkiiba 19%, heshiiskaas ayaa la filayay
inuu socondo muddo 30 sanadood ah.
Dawladda Soomaaliya
xilligaas ma aysan taagerin heshiiskaas, balse waxay isku dayday inay hor
istaagto, wasiirkii dekadaha iyo gaadiidka badda ee dowladda federaalka
Soomaaliya ee xilligaas Marwo Maryan Aweys ayaa waxay 2-dii bisha March, 2018
dii soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegtay in heshiiskaas yahay mid sharci
darro ah, islamarkaasna aanan la aqbali karin.
Sidoo kale ra'iisul
wasaarihii xilligaas ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo madaxweynihii
xilligaas Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, labaduba waxay sheegeen inay ka soo
horjeedeen heshiiska.
Itoobiyo iyo damaceeda
takadeed
Ra’iisul wasaaraha
Itoobiya Abiy Ahmed ayaa marar badan sheegay sida jiritaanka Itoobiya ay muhiim
ugu tahay inay bad helaan, maadaama dalkiisu yahay mid xeeb la' aan ah.
Bishii aynu soo
dhaafnay ayuu jeediyay hadal dood badan abuuray kadib markii uu sheegay in
helitaanka bad, gaar ahaan badda cas ay tahay arrin muhiim u ah jiritaanka
dalkiisa, hadalkaas oo ay dad badan u fasirteen inuu yahay colaad lala galo
waddanka dariska la ah ee Eritrea.
Abiy ayaa hadalkaan ka
yiri khudbad laga sii daayay talafshinka oo uu kula hadlay baarlamaanka
dalkiisa.
"Bad cas iyo wabiga
Niil ayaa qeexa Itoobiya; waxay asaas u yihiin horumarka Itoobiya,” ayuu Abiy u
sheegay baarlamaanka isaga oo ku booriyay inay ka xishoon mawduucaan.
Hadalka Abiy ee ku
saabsan badda ayaa dood iyo saadaalin ka dhex abuuray dadka Itoobiya ee ku
xariira baraha bulshada taas oo la is weydiiyay halista uu u ku keeni karo
heshiiskii ay wada gaareen Abiy iyo madaxweynaha Eritrea Isias Afeworki oo ahaa
in la soo afjaro colaadda daba dheeraatay ee u dhaxaysay labada waddan,
Heshiiskaas ayaa dhacay sanadkii 2018 kii.
Ciidamada Eritrea ayaa
ka barbar dagaalamay kuwa Itoobiya xilligii ay dagaalka kula jiree ciidamada
Tigray kaas oo ka dhacay wuqooyiga dalka Itoobiya.
Itoobiya ayaa sidoo
kale horaan sheegtay inay dhisaneyso ciidmadeeda badda.
BBC