Dowladda Somaliya Oo Xog Ka Bixisay Khasaaraha Daadadka

0
Friday November 24, 2023 - 06:39:05 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 497
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Somaliya Oo Xog Ka Bixisay Khasaaraha Daadadka

    "waxa ayna ugu baaqeen hey'adaha gargaarka iyo bulshada Soomaaliyeed in la caawiyo dadka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxa ayna ugu baaqeen hey'adaha gargaarka iyo bulshada Soomaaliyeed in la caawiyo dadka"



Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ku dhawaad laba malyuun oo qof ay saameeyeen roobabka iyo daadadka ka da’aya dalka, islamarkaana ay ku dhinteen 96 qof.

 

Tiradan ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha, kadib kulankii golaha wasiirada oo maanta looga hadlay roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka, amniga iyo la-dagaalanka kooxaha argagixisada.

 

Kulanka ayaa warbixin looga dhageystay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka.

 

"Xukuumadda JFS ayaa dadaal ugu jirta gurmadka dadka ay saameeyeen dadaadadku, waxa ayna ugu baaqeen hey’adaha gargaarka iyo bulshada Soomaaliyeed in la caawiyo dadka ay saameeyeen roobabku,” ayaa lagu yiri warbixinta.

 

Ra’iisul Wasaaraha Xamza Cabdi Barre, oo shirka guddoominayey, ayaa golaha warbixin ka siiyey safarkii uu ku tagey degmada Doolow ee Gobolka Gedo, waxuuna soo bandhigay baaxadda saameynta ay ku yeesheen daadadku gobolka.

 

Dhinaca kale, Golaha Wasiirada ayaa warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka iyo la-dagaalanka kooxda argagixisada ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaanshaadhigga.


Loading...
Loading...