Shirqoolka M.biixi ee jebinta ciidankii qaranka iyo dagaalo qabaa'iil (ujeedadiis maxay tahay? ( Ali Biixi).

0
Thursday November 23, 2023 - 11:45:24 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 2226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Shirqoolka M.biixi ee jebinta ciidankii qaranka iyo dagaalo qabaa'iil (ujeedadiis maxay tahay? ( Ali Biixi).

    Waa waxa ugu qimo weyn ee dal leeyahay dadku .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa waxa ugu qimo weyn ee dal leeyahay dadku .



Maxaabiista Somaliland huwantu ka haysato.

Kaydka ugu weyn ee dal leeyahay, waa dadkiisa muwaadiniinta ah ee u dhashay.


Dagaalka XMS iyo yuhuuda u dhexeeya , waxa loo joojinayaa in maxaabiista in lays weydaarsado.

Iyaga oo ay qiimo weyn ugu fadhiyaan maxaabiista ay kala haystaan.



Waa waxa ugu qimo weyn ee dal leeyahay dadku .


Ciidamada xooga dal leeyahay iyaguna , waa kuwa cadawga dibeda iyo gudaha dal ka difaaca.

Dawladii aa ciidan difaaca lahayni , Somaliya oo kale ayay noqonaysaa oo ciidamo shisheeye caasimadoodii iyo madaxdoodii ilaaliyaan iyo Airport koodii iyo badoodii.

Dal madax banaan maaha.


Ciidamaduna heegan joogto ah ayay ku jiraan dhul iyio bad iyo cir-ba 24-ka saacadood,

Waxay naftooda u huraan in shacabkoodu iyo Dakoodu ku seexdaan , nabad gelyo iyo xasilooni .

Marka dagaal dalku galo ee maxaabiis dagaal laga qabsado,


Waxa dalkaasu geed dheer iyo geed gaabanba isugu taagaa , sidii ay u soo deyn lahaayeen maxaabiistaasu, oo ay ugu soo guryo noqon lahaayeen.


Markaas askarigu waxa uu u ogaanayaa in cid garab u ah uu leeyahay oo ku werweraysa , sidii hooyo ilmaheedu uu ka maqan yahay oo kale.


Laakiin maxaabiistii laga qabsaday ciidanka somaliland cid hadal haysa miyaad aragtay ?

Miyaad aragtay madaxweynihii dalka oo hadal haya soo deyn tooda?


Miyaad aragtay maxaabiista laga hayo reer Khaatumo ee jeelasha somaliland ku jira, iyada oo la leeyahay waxaa la dhaafsanayaa maxaabiista huwantu somaliland ka haysato.


oo ay ku jiraan generalo iyo saraakiil sare iyo 400 oo askari oo iminka ay ka sii nool yihiin 200 oo askari.

Maxaa sababay?


Madaxweynuha waxaad moodaa in uu ugu talo galay in ciidanka la jebiyo.

(Moral)-ka niyada ciidankuna in aanu soo noolaan mar danbe.

Maantana waxa uu dhiiri gelinayaa.


In dagaalo qabiil dalka ka dhacaan oo uu soo afjaray dawladnimadii somaliland oo uu ka dhigay qabaa'il isdilaaya.

Hadaba waayo?


Waxa cad in uu M.biixi doonaayo in Somaliland burburto , oo Muqdisho ku biirto, oo uu ciidankii 32 sano la soo dhisaayay , uu maalin qudha ku burburiyay.

In uu shacabkii dalka somaliland ee wada noolaa,


Uu cadaawad iyo dagaalo dhex dhigay .

Hadaba xegee ayuu dalka ku wadaa?

Waxa cad oo aan cidna la weydiinayn in uu qorshihiisu yahay somaliland yaanay kaa danbeynin ee dadka niyad jebi oo ha isku meeraysteen oo ha asqoobeen oocadawgoodii ha u kala dheereeyeen Muqdisho.

Sidii ay ugu biiri lahaayeen.


Somaliland waxay u baahan tahay in laga badbaadiyo M.biixi.

Cali Biixi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...