Maxay Dawladnimo Tartaa Haddanay Ku Difaaci Karin,Daryeela Dadkeeda Siinin.
Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
Dagaal Aan Dhamaad Lahayn,
Distoor Aan Lagu Dhaqmayn,
Doorashoyin Aan Dacad Hayn,
Dawladnimo Aan Loo Sinayn,
Dalkeenii Kala Qaybsan Yahay,
Dadkiisana Kala Dudeenooy,
Dagaalna Dhexdooda Yaalo,
Dulmigiina Cadaalad Yahay,
Dadaalkii Loo Soo Mariyo,
Dalkii Dumay Een Yabyabay,
Diricyo Imisaw God Galay,
Dumarka Imisaw Goblamay,
Dar Kalaba Ku Sii Kordhoo,
Daryeel Dhawacii Ma Helin,
Dariiqyaday Daadsan Yiinon,
Dawarsi Kolay Tahay La Siin,
Daayinkaan U Dacwoonaya,
Ducadeenan Inuu Aqbalo,
Daalimiinta Allow Dhamee,
Duliga Allow Naga Dulqad,
Diintiyo Xaqa Nagu Ducduuc,
Dalkana Nabad Nooga Yeel,
Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!