Xeerarka Quraanka Ee Bulshooyinka

0
Thursday November 23, 2023 - 09:57:58 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 552
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeerarka Quraanka Ee Bulshooyinka

    Kacaan diimeedyadaas waxaa,sida aan anigu qabo,ugu weynaa...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kacaan diimeedyadaas waxaa,sida aan anigu qabo,ugu weynaa...



Habsamida bulshooyinka waxaa xukuma sida ay isu abaabulaan siyaasad ahaan.Horumarka iyo dib-u-dhaca,saboolnimada iyo hantida,awoodda iyo tabardarrida intuba waxay la xiriiraan qaabka dhaqan-siyaasadeed ee bulshada.Kacaannadii taariikhda aadanaha soo maray waxay ahaayeen kuwo la doonayey in lagu beddelo habka siyaasadeed ee bulshada.Siyaasaddu waa sida loo maareeyo dhibaatooyinka lasoo darsa bulshada,waxayna u dhigantaa meesha madaxu kaga jiro jirka intiisa kale.



Diimuhu waxay ahaayeen kacaanno fikir oo la doonayey in lagu beddelo sida dadku u arkaan jiritaanka guud ahaan,taasoo iyaduna saamayn ku leh siyaasadda.Kacaanka diimuhu wuxuu noqon karaa mid diin cusub dhidibbada loogu aasayo ama lagu turxaan bixinayo diin horay u jirtey.


Kacaan diimeedyadaas waxaa,sida aan anigu qabo,ugu weynaa kii Quraanka ee uu Nebi Muxammed(caleyhi alsalaam) la yimid.Quraanku waa dhambaalkii Nebi Muxammed Alle usoo dhiibay,waana mid aragti guud ka bixinaya jiritaanka uunka iyo nolosha.Sidoo kale wuxuu Quraanku tilmaamayaa arrimaha ay ku guulaysato bulshada guud ahaan(siyaasadda) iyo qofkaba.


Labadan qodob ayaa Quraanku asal uga dhigayaa bulshada caafimaadka qabta.Bulsho kasta inta ay ka dhaqan geliso labadan qodob ayaa halbeeg u ah horumarkeeda iyo dib-u-dhaceeda,saboolnimadeeda iyo dhaqaalahooda,awooddeeda iyo itaaldarrideeda.Xeerarkani cidna uma eexdaan kamana eexdaan,waxayna la mid yihiin xeerarka dabiicadda.Korontadu qofkii si khaldan u isticmaala way gubin gaal iyo muslinba,qofkii si fiican u isticmaalana faaiidooyin badan buu ka helin.


Labada xeer ee Quraanku inoo tilmaamay si aan u baraarno bulsho ahaan waa;


1)Sinnaan iyo caddaalad(qaybta hore ee aayadda 25,suuradda Alxadiid).Alle wuxuu halkan ku sheegayaa in sababta rususha loo soo dirayiba ay tahay in dadku cuskado,kuna istaago sinnaan iyo caddaalad.Taasi waxay ku tusin sida sinnaanta iyo caddaaladdu Alle agtiisa ugu weyn tahay.Erayga Quraanku adeegsaday waa Alqisdhبالقسط,waana in qof kasta helo wuxuu xaq u leeyahay.Eraygu waa ka qoddo dheer yahay caddaalad,wuxuuna daboolayaa samafalka dadku xaqa u leeyihiin ama loogu leeyahay.Eraygani waa kasoo horjeedka musuqa.


Musuqu heer bulsho waa in la boobo hantida guud,eex iyo laaluush.Musuqu wuxuu dadka qaar siinayaa wax aysan xaq u lahayn,qaarna wuxuu ka hor istaagayaa waxay xaqa u leeyihiin.Bulshada oo dhan wuu fasaadinayaa wuxuuna taabanayaa nolosha oo idil.Burbur,saboolnimo,dagaal sokeeye iyo dulli ayey ku dambeyn bulshada musuqu hareeyo.Dadka ku astaysan sinnaanta iyo caddaaladda wuxuu Quraanku u yaqaan «muqsidhiinالمقسطين»,Allena waa jecel yahay (almumtaxina,8).Kuwa kasoo horjeeda ee musuqa caadaysta wuxuu Quraanku u yaqaan»alqaasidhuunٱلْقَاسِطُونَ»,waxayna noqon qoryaha Jahannama(aayadda 8,Aljinn).Sababta ay Jahannama ku mutaysteen waa weynanka dembigooda waayo waa mid saamaynaya qof kasta oo bulshada ka mid ah.Qofka booba hantida guud wuxuu wax ka boobay dadkoo dhan.Immisa agoon,curyaan iyo masaakiin ah ayaa wax ku leh hantidaas la boobay.Sidoo kale eexda iyo laaluushku waxay cirib xumadoodu saamaynaysaa bulshada oo dhan boqollaal sano oo soo socota.


Haddaad eegto dalalka adduunka waxaa kuu caddaanaysa in horumarka dalalka uu halbeeg u yahay qodobkaasi.Xakamaynta musuqu waa arrinta kala saarta heer nololeedka iyo horumarka bulshooyinka adduunka.Hantida guud waxaa lagu maalgelinayaa danta guud sida

 waxbarashada,caafimaadka,waddooyinka,dekedaha,difaaca iyo kaabayaasha dhaqaalaha.Shaqabixinta waxaa sal u noqonaya aqoonta iyo waayo-aragnimada taasoo kor u qaadaysa tayada

 waxbarashada.Aqoonyahannadu waxay helayaan hanti ay ku fuliyaan cilmi-baaristooda.Marka ay shaqooyinka qabtaan dad aqoon u leh waxaa kasoo baxaya natiijo muuqata,wax kastana waxay u shaqaynayaan sidii loogu tala galay.Bulshadaasi waa mid awood leh oo iska difaaci karta cid kasta,adduunkana sharaf ku leh.


2)Xeerka labaad waa wadatashi "Alshuuraa»(aayadda 38,Alshuuraa).Suurad Quraanka ka mid ah ayaa lagu magacaabay wadatashiga.Wadatashigu waa habka loo maaraynayo arrimaha bulshada dhexyaal sida awood qaybsiga.Eraygu wuxuu xambaarsan yahay xornimo waayo wadatashi macno ma leh haddii aan dadku xor u ahayn inay taladooda dhiibtaan.Habka loo abaabulayo wadatashiga waa mid u yaal bulshada,laakiin waa in dadku xor u yihiin soo jeedinta talooyinkooda iyo fikradahooda.Habka talo jeedintu wuxuu noqon karaa qoraallo,raadiyo,TV iwm.


Bulshada qodobkan adeegsata waa bulsho furfuran oo aqoonteedu sarreyso.Waa bulsho dadku aqbali karo kala duwanaanshaha fikradaha,diimaha iyo mad-habadaha.Waa bulsho musuqu ceeb agtooda ka yahay waayo waa lala xisaabtamayaa dadka xilalka kala duwan u haya bulshada.Wadatashigu wuxuu keenayaa inay jiraan sharciyo iyo xeerar lagu heshiiyey(Dastuur) kuwaasoo loo noqdo marka khilaaf yimaado.Xagga aqoonta,wuxuu qodobkani kor u qaadayaa cilmi-baarista waxaana bulshadu yeelanaysaa dad badan oo aqoon u leh cilmiyada kala duwan.Abwaannada iyo farshaxan yaqaannadu waxay helayaan fursado ay kusoo bandhigaan murtidooda.


Waxaa nasiibxumo iyo amakaag ah in labadaas arrimmood ee Quraanku noo tilmaamay ay ugu liitaan dadyowga muslimiinta ahi.Sababta taas keentay waxaan u deynayaa akhristaha waayo ma aha ujeeddada qoraalka,waxaanse ugu baaqayaa in baaritaan dheer muhim yahay oo aysan ahayn arrin fudud.


Maanta waxaa horteenna lagu gumaadayaa reer Falastiin,Labo bilyan oo muslimiin ahina waa daawanayaan iyagoo aan waxba qaban Karin oo ciil iyo caloolxumo la liita.Sababtu waa labada qodob oo kore oo muslimiintu aad ugaga liitaan dadyowga kale.


Dalkeennu sannad kasta wuxuu kaalinta koowaad ka galaa musuqa,natiijaduna waa midda aynnu u wada jeedno,lagamana yaabo inaan ka baxno godkaan mugdiga ah ilaa aynnu dhaqan gelinno labada qodob ee kor ku xusan.Waan dhaqan gelin karnaa haddaynnu helno hoggamiyeyaal ka danqanaya xaaladda dalka iyo dadka,ka xishoonaya magac xumada iyo ceebta,Alle iyo aakhirona rumaysan.


Qore:CabdiRaxmaan sh.Cilmi Xaashi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...