Guddida Qandaraasyada iyo W. Gaadiidka! Ma 2 Geerash! By Amir Bidde
In shilalka baabuurta, oo dalkeena ku badan la yareeyo waa mid muhiimaddeeda leh. Xukuumaddana looga
fadhiyo inay wax ka qabato. Wax
qabasho waxay imaan kartaa marka si wanaagsan looga baaraan dego,
baadhitaano aqoon ku salaysanna la sameeyo. Inkastoo sababaha keena
shilalka dalkeena ay qof walba u muuqato. Shilalka ka dhex dhaca
magaalooyinka dhexdooda waxa keena oo ugu muhiimsan waa baabuurwade aan
baabuurka ka adkayn (liisanka musuqa lagu qaato awgeed) iyo waddo xumo
iyo cidhiidhi ka taagan gaar ahaan Hargaysa. Baabuurta laftoodu oo
tikniko ahaan, aan laga shaqayna. Ciidanka nabadgelyada waddooyinka oo
ah hay'adda ugu musuqa badan dalka oo askartu u kallahaan inay laaluush
qaataan, mana daneeyaan nabadda baabuurta iyo dadka toona (marka laga
reebo kuwa isgoysyada Hargaysa baabuurta kala haga).
Shilalka ka dhaca waddooyinka isku xidha magaalooyinka waxa uu dheer
intaa in ayna is lahayn dhinaca dirawalku ka fadhiyo baabuurka iyo
waddadu (baabuurku waa bidixle, waddadana midig baa la marayaa). Waa
arrin aad iyo aad khatarteeda u leh, shilalka waddooyinka oo dhanna
keenta. Ninka u hadlayay guddida qandaraasyada wuxuu sheegay inay
baadhitaan sameeyeen waxa keena shalalka; arrinta bidixlaha ah kumuu soo
darin!! Baadhitaankoodu ma Hargaysa gudaheeda uunbaa ahaa?? Dhimashada
iyo dhaawacu 99% wuxuu ka dhaca dibadda (waddooyinka isku xidha
magaalooyinka).
Wasaaradda Gaadiidka iyo guddida qandaraasyada ayaa maanta
(10/3/2019) si wada jira shir jaraaid ku shaaciyey in xoogga la saarayo
farsamada baabuurta (waa ta kaliya ee ayna dawladda lacagi kaga baxayne)
oo geershyo la siinayo qandaraas (yaacnii kooto loogu xidhayo), si
geerashyadaa oo kali ihi masuul uga noqdaan hubinta baabuurta. Haba
noqoto tallaabadii u horreesay, laakiin ma waxa caqliya gobolka
Maroodijeex oo dhan ayaa laba geerash oo kaliya loo xilsaarayaa??
Baabuurta dalkuba waa Hargaysee!! Liiska sugitaanku intuu dhererkiisu
leekaan doonaa?? Hubintu waa sannad leh ayay yidhaahdeen, inta la sugayo
labada geerash ayaaba sannad ka badan doonta. Hargaysa gudaheeda ayaa
ugu yaraan 20 Geerash oo hubiya baabuurta u baahan. Ninka deggen
Wajaale, Balligubadle, Allaybaday, Sallaxlay ama Gabiley ma inuu
Hargaysa cishooyin kuyuu u galaa? Oo ma Hotelka ayay guddidu ka bixin
doontaa? Maxaa magaalooyinkaa, magaalo walba geerashyadeeda mid ka mida
loogu xilsaari waayay? Qabyaaladdi waxaba inagaga daran, arrintan
gobolaysiga!! iyadoon gobollo lagu fikirin waa in magaalo walba
baahideeda la eegaa.
Haddaynu wax hagaaji is nidhaana waxaynu kharribayno ayaa ka wayn oo
ka badan waxayni toosi is lahayn. Sababtuna waa marka dad meel masuul
looga dhigo iyagoon tayadeedii lahayn.
Wa Billahi tawfiiq,
A. Amir Bidde
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...