'' Doorashadda Maxaa Loogu Heshiin Waayay ''.
waxaanay hawsheedu taagnayd tan iyo 2016 , xiligaas oo qorshuhu ahaa in labadda doorasho ee Madaxwaynaha iyo Baarlamaanka mar la wadda galo hassa yeeshee mar dambe axsaabtu ku heshiiyeen in la kala qaado , sidaana ku saxeexeen heshiis Maxkamadda Sarre ku ayiday xukun ay kasoo saartay doorashadda .
Kala qaadistaa la kala qaaday labadda doorasho , waxay keentay in doorashaddii Baarlamaanka dib loo dhiggo muddo halsanno iyo sideed bilood ah .
Mar kale ayaa ay gaadhay doorashadii baarlamaanka xiligii loo qabtay 2018 , markaana Guurtidda ayaa ku kordhisay halsanno , maxaa yeelay qaban qaabaddii doorashadu halkeedii bay maraysay , horrena loogama soconin .
Maanta markii ugu danbaysay Xisbiyaddu waxay ku kala kaceen shirkii doorashadda lagaga hadlayay , sidaa markay tahay waxaa is waydiinle , doorashadani waxay noqotay tii ugu rafasho badnayd ee abdi Somaliland soo martee maxaa looogu heshiin waayay ?
1- Xisbigga Kulmiye markii la kala qaadayay labadda doorasho wuxuu u arkayay in aan dani ugu jirin isa saarka labadda doorasho , waxaanu danaynayay kala qaadista sidaa darteed , wuxuu gaabis ka muujinayay riixista doorashadda .
2- Xisbiga Waddani oo ay saamayn ku lahaayeen xildhibaanadda golaha baarlamaanku isna ma xiisaynaynin riixista doorashadda .
sidaas ayaanay sadexda xisbi doorashada kala qaadisteeda ugu heshiiyeen .
Maanta .
1- Xisbigga Kulmiye wuxuu isku halaynayaa taageeradda aqlabiyadda xubnaha golaha wakiiladda sidaa darteed xiise badan uma hayo qabsoomidda doorasho baarlamaan .
sababtoo ah , xeerkii doorashadda weli lama ansixinin iyadoo xukuumaddu haysata aqlabiyadda goleyaasha , saami qaybsigiina lama dhamaystirin , degmooyinkii iyo kala xadayntoodiina lama dhamaynin .
2- Xisbigga Waddani isna waxaa ka muuqata in aanu xiise badan u haynin qabsoomidda doorashadda Baarlamaanka maxaa yeelay , qabsoomidda doorashadaa heelanaan badan oo uu hayaa ma jirto , muhiimad badana ma siinin .
Dhinaca kale , mar walba waxaa uga hadla Xisbigga Waddani arrinta doorashada Baarlamaanka xubno ka tirsan isla golaha Wakiilada ee ku fadhiya mudda dhaafka , kuwaasoo mar walba soo qadima doodo ay kagga dayrinayaan qabsoomidda doorashadda , waxaanay u muuqdaan Garsoorayaal ka garnaqaya Gar ay dhinac ka yihiin , taasoo afka sharcigga laggu yidhaahdo , Isku dhaca masaaliixdda ( Conflict of interest ) sideedabana marka laba danood iska hor yimaadaan, qofku wuxuu raacaa hadba danta isaga xigta , waana sababta aan qofna uga garsoorin dacwad isaga qusaysa .
3- Xisbigga Ucid oo ku wiiqmay doorashooyinkii ugu danbeeyey ee wadanka ka dhacay tan iyo 2012 , sidoo kale na ay dhulka lasii galeen khilaafyadii kala danbeyey ee soo maray , kuwaas oo gaadhsiiyay in Xisbiggu helo 4% tiraddii codadka ee doorashadii ugu danbaysay , kuma laha saamayn wayn saaxadda siyaasada , sidaa darteed isna riixid uu wax riixayo ama wax riixi karayaa ma muuqato .
4- Beesha Caalamka iyana waxaa ka muuqata in aanay u haynin xiise badan doorashadan dhicisteeda , waxaanay u eegtahay in aanay culays wayn saaraynin doorashadan murankeedu taagan yahay .
5- Bulshadda rayidka ah iyo dadwaynaha Somaliland oo iyagana ay saamayn taban ku yeelatay doorashadii ugu danbasay ee wadanka ka dhacday , iyana kaalintoodu way hoosaysaa , waxaanay u eegyihiin in aanay lahayn saamaytii ay lahaan jirreen sanaddo ka hor .
Si kastaba ha ahaatee , sababta loogu heshiin waayay doorashadan qabsoomideedu , waxa weeyaan in aan Axsaabta siyaasadeed ee arrintan isku hayaa ay ka siman yihiin xiise la'aanta aanay xiise u haynin doorashadan qabsoomideeda ,, isla markaana aanu jirin xisbi dabada ka riixaya in doorashadani qabsoonto .
W/Q: Ahmed Nour Guruje
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





