Hooyada Dhashay Madigii Ku Dhintay Shaqaaqadii Garowe Oo BBC-da La Hadashay
Xaaladda magaalada
Garowe ayaa maanta deggan ka dib dhaqdhaqaaqyo ciidan oo shalay laga dareemay
kuwaas oo sababay in qoysas tiro badani ka barakacaan xiisaddaasi.
Dadka ka barakacay
xiisaddii shalay waxaa ka mid ahaa Cabdirixmaan Jaamac Muuse oo ahaa ardayda
wax ka barta Jaamacadaha Garoowe ka dib markii la fasaxay Jaamacadiisa.
Wuxuu u safray
magaalada Qardho oo qoyskiisu deggan yahay, hase yeeshee wuxuu ku dhintay shil
gaari oo ka dhacay inta u dhaxaysay deegaanka Xaaji Khayr iyo magaalada Qardho.
Maanta ayaa Cabdirixmaan lagu aasay magaalada Qardho oo meydkiisa la geeyey.
Cabdiraxmaan wuxuu ku
jiray sanad jaamacadeedkiisii koowaad ee Jaamacadda Boosaaso faraceeda Garowe,
isagoo dhiganayey culuumta teknolojiyadda
Wuxuu ahaa wiil madi ku
ah labadiisa waalidba, aabbihiis Jaamac Muuse oo hore u geeriyooday wuxuu ifka
uga tagay isaga oo qudha, halka hooyadiisna ay kaligiis wiilal ka dhashay.
Sahro Dhunkaal Jaamac
oo ah hooyada dhashay Cabdiraxmaan ayaa BBC-da u sheegtay in shalay ay u ahayd
maalintii ugu murugada badnayd, nolosheeda oo ay gaadhay heer ay waxba kala garan
waydo.
‘’Waxaan ahay qof da’
ah hadda wiilna isagaan ka dhalay oo ‘madi’ buu igu ahaa, xaaladda qoyskuna waa
mid danyar ah, anigu waxaan ahay qof waayeel ah oo xanuunsan, isaga uun baan
eeganayey, waanse ku samray markii aan dul tagay maydkiisa meeshii shilku ka
dhacay, xaalad adag ayaan galay laakiin waan ku samray qadarta Eebbe keenay”
ayey tiri hooyo Sahra.
Afar gabdhood ayaa la
dhashay Cabdirixmaan oo xagga hooyada walaalo kala ah, labo ka geeri horreeyey
iyo labada hadda ku nool magaalada Qardho sida ay BBC-da u sheetay Hooyo Sahra
Dhunkaal.
Hindi Mukhtaar Xirsi
waxay walaalo yihiin Allaha u raxmadee Cabdiraxmaan, waxay sheegtay inay wayday
wiilkii u ahaa garabka kaliya ee ay eeganaysay.
‘’Dareenkayga waa mid murugo
leh, ifka isagaa walaal wiil ah ii joogay, isagiina waan waayey kaliya waxaan
leeyahay kuwa xiisadaha colaadeed abuuraya ka joojiyadadka mushkiladda” ayey
tiri Hindi.
Kumuu ahaa
Cabdiraxmaan?
Sanadkii 2002-dii ayuu
Cabdiraxmaan Jaamac Muuse ku dhashay magaalada Qardho, wuxuu waxbarashadiisa
hoose ka dhammeeyey iskoolka agoonta ee Qardho, isagoo dugsiga sare kaga baxay
dugsiga sare ee Shiikh Cismaan ee isla magaaladaasi.
‘’Wuxuu aad ugu fiicnaa
waxbarashada, wuxuu kaloo gali jiray kaalimaha hore, hammigiisuna wuxuuu ahaa
inuu waxbarashada meel fiican ka gaaro ka dib qoyska oo wiil uu u ahaana wax u
qabto” ayey tiri hooyo Sahra Dhuunkaal
Cabdiraxmaan wuxuu ku
biiray Jaamacadda Bosaso faraceed magaalada Garowe sanad jaamacadeedkii 2022
-2023-kii, isagoo baranayey maaddada IT-ga.
Walaashii Hindi waxay
xustay inuu ahaa qof dadaal badan oo inta badan ku foogganaa inuu meel sare ka
gaaro nolosha.
‘’Wuxuu noo sheegi
jiray inuu nolosha qoyska wax badan ka baddalayo marka uu dhammaysto waxbarasha
ee shaqo helo, markasta wuxuu ii ahaa saaxiib gaar ah, balse Ilaahay ayaa iga
jeclaaday” ayey tiri Hindi.
BBC