Tirada Dhimashada Fatahaadaha Gedo Oo Korodhay.
"Waxaa laga deyrinayaa xaaladda dadkaas ay ku nool yihiin kuwaasi oo aanan helin samitixin"
Tan iyo markii ay
fatahaadaha ku dhufteen deegaanada Jubbaland waxaa sii kordhaya khasaaraha ka
dhashay fatahaadaasi, iyadoo ay ku dhinteen in ka badan labaatan qof, sida ay
sheegeen mas’uuliyiinta maamulka.
Waxaa sidoo kale jira
dad ka badan 20 kun oo qoys oo wali ku go’doonsan geddiga kale ee Wabiga Daawo,
gaar ahaan nawaaxiga degmada Dooloow ee gobolka Gedo.
Waxaa laga deyrinayaa
xaaladda dadkaas ay ku nool yihiin kuwaasi oo aanan helin samitixin, waxaana ay
qarka u saaranyihiin in ay macluul u dhintaan, sida uu VOA u sheegay xildhibaan
Mustaf Maamoow Geedi oo ka mid ah golaha wakiilada Jubbaland.
Loading...
Loading...