Jamhuuriyadda Geeska Afrika

0
Monday November 20, 2023 - 10:44:03 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 775
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamhuuriyadda Geeska Afrika

    In kasta oo aan muddo ka dib arkay dad isla magacaa...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In kasta oo aan muddo ka dib arkay dad isla magacaa...


Sannadkii 2014kii group Facabook laga sameeyey oo la odhan jiray Madasha Indheergaradka (MIG), oo ay waxgarad aad u badan oo reer Soomaalilaand ahi ku jireen, ayaa waxa la soo dhigay weydiin uu nuxurkeedu ahaa, "Haddii la isku dayo in Soomaalilaand magac cusub loo bixiyo, magacee ayaad u bixin lahayd?”


 

 

Dadkii meesha ku jiray ee waxgaradka ahaa qaar ka mid ahi magacyo ayay soo bandhigeen, qaarna wixii dood ama falanqayn ah ee soo baxa ayay ka qayb qaadanayeen. Maalintaa magac aanan aad uga fikirin, hase yeeshee sidii aan markii dambe arkay aad loogu bogay ayaan boggii madashaa ku qoray. Magacaasi waxa uu ahaa "Jahmuuriyadda Geeska Afrika – Republic of Horn of Africa.”



 

 

In kasta oo aan muddo ka dib arkay dad isla magacaa meelo kale ku qoray oo iyaguna sheegtay in ay magacaa hayaan. Haddana taasi muhiim ma aha, ee waxa muhiimka ahi waxa weeyi in uu yahay magac la isku raaci karo haddii in magac cusub la la baxo ay berri-ka-maalin dani keento. Dantaasi waxa ay, tusaale ahaan, iman lahayd haddii uu dalku aqoonsi heli lahaa. Laakiin maanta ma aha maalintii arrin jaadkaas ah laga doodi lahaa. Hawlo badan oo wax-ka-qabasho u baahan baa yaalla.


 

 

Si kastaba ha ahaato ee aniga magacaasi waa uu ila fiican yahay.

 

 

 

Axmed Iid Aadan

 

[email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...