Shirka Garxajis Maanta Iyo Ujeeddada Dagaalkan Huwanta Daarood.

0
Monday November 20, 2023 - 10:18:23 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Garxajis Maanta Iyo Ujeeddada Dagaalkan Huwanta Daarood.

    Arintu Meel Adag Bay Maraysaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arintu Meel Adag Bay Maraysaa.


Dagaalkan Ku Bilawday Weji Siyaasad Xumada Seddexda (Hammaas, Mashaain, Bi Namiim, Mancaacin, Muctadin ,Athiim) Kuwii Allah Quraanka Ku Sheegay Waa Muse Biixi, Ina Kaahin Iyo Saleebaan Gaal. Seddexdaa Ayaa Marka Hore Dagaalkan Somaliland Kala Googooyinyey Siyaasad Xumidoodi Keentay Oo Siday Caruurtii Garxajis Ugu Laayeen Hargeysa, Burco Iyo Ceerigaabo Oo Sidoo Kale Laascaanood Na Ugu Laayey Dadkii Ka Mudaharaaday Dilkii Foosha Xumaa Ee Lagu Dilay Ninkii Hadraawi. Qaladaadka Waaweyn Ee Muse Iyo Xukuumadiisu Galeen Waxba Maanta Is Dultaagi Mayno Waayo Arrintu Halkay Marayso Ayaa Waajiba In Shirkan Garxajis Ee Hargeysa Ka Socdaa Uu Fahmo Kana Goaan Qaato.



 

Arintu Meel Adag Bay Maraysaa.

Garxajis Wuu Ka Soo Horjeestay In Xukuumada Muse Biixi Ay Dhulbahante Iyo Laascaanood Madaafiic La Dhacdo , Go’aannay Ka Soo Saareen.


 

Arintu Way Ka Qoto Dheertay Laba Reer Oo Reer Somaliland Ah Oo Dagaalamaya Oo La Kala Dhex Galo Waxay Maraysaa Harti Wuu Ka Goay Somaliland Dawlad Goboleed Baanu Samaysanaynaa. Kumay Joogayaane Dhul Balaadhsi Iyo Habarjeclo Dagaal Lagu Kiciyo Beritona Waxay Tegaysaa In Isaaq Dagaal Lagu Kiciyo Iyo In Ceerigaabo Dagaalku U Wareego.


 

Seddex Arimood Baa Garxajis Horyaal Inuu Goaamo Ka Soo Saaro.


 

1- Maanta Dagaalkan Harti Ama Darood Halkuu Ku Qotomaa.

 

2- Heshiis Ma Ka Suuro Geleyaa Dhulbahante Iyo Habarjeclo.

 

3- Doorashooyinka Iyo Midaynta Isaaqa.

 

Ta Koobaad Dagaalkan Harti Ama Daarood Siyaasadda Uu Ku Qotomaa Waa Somaliland Burburin Aan Dib Loogu Yeedhin Wax Somaliland Loogu Yeedho Somaaliyi Weyn Way Kula Socotaa Arintaa Marka Xitaa Gadabiirsi Lagu Daro.


 

Ta Lababaad Heshiis Suurogal Maka Yahay In Lakala Dhex Galo Habar Jeclo Iyo Dhulbahante. Maya Maya Maya Waayo Habarjeclo Wey Ogoshay Nabada Dhulbahante Laakiin Maanta Dhulbahante Ma Ogola Waayo Siyaasaddiisii Dawlad Goboleed Iyo Soomaaliweyn Bay Maraysaa Iyo Guulo Aanuu Weligii Ku Riyoon Oo Siyaasad Xumada Seddexdan Nin Ee Ina Horfadhiyaa Siiyeen.


 

3- Doorashooyinka Waa In Garxajis Kala Shiraa Isaaqan Kale Ee Xogogaalka U Ah Halka Somaliland Xaalkeedu Marayo Maanta ,Goaano Cusubna Laga Soo Saaraa.


 

Imika Arintu Way Qasantay, Muse Iyo Higgaankiisu Dhinac Ay Wax U Wadaan , Habarjeclo Waa Lasoo Weeraray Oo Is Difaacbay Gashay, Garxajis Weli Waa Aamusanyey Oo Xukuumadii Wax Uu Kaga Talo Galo Weli Ma Hayo.


 

Wa Bilaahi Tawfiiq

 

Qoraa Bashe-Buurdhegsyste

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...