Xukuumada Muuse Oo Looga Digay Inay Celiso Markab Shidaal Sida Oo Dekeda Berbera Taagan &Sababta.

0
Monday November 20, 2023 - 07:10:09 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1767
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Muuse Oo Looga Digay Inay Celiso Markab Shidaal Sida Oo Dekeda Berbera Taagan &Sababta.

    "Waxaanu ka digaynaa in la celiyo shidaalkaas iyada oo loo danaynayo shirkado"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaanu ka digaynaa in la celiyo shidaalkaas iyada oo loo danaynayo shirkado"



Hargaysa (HWN) Xog-hayaha Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska ee Xisbiga Waddani Xamse Khayre ayaa ka digay in xukuumada Somaliland ay dib uceliso markab shidaal sida oo dekada Berbera hada taagan.

 

Waxa uu xoghayuhu intaasi ku daray in markabkani uu sido shidaal qiimihiisu jabanyahay, sida uu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay:-

 

"Waxaanu soo dhawaynanaa talaabo kasta oo keenaysa in naaftada/shidaalka qiimihiisu jabo Isla markaana meesha ka saaraysa go'aankii hore ee Salfarta lagaga dhigay 500 ppm wax ka hooseeya. Waxaanu qabnaa in mudnaantu tahay nolosha dadka, dalkuna qaadi Karo salfar ilaa 3000 ppm ah.

 

Markabka taagan Hadda dekeda Berbera ee sita calanka Jamhuuriyada Togo magaciisuna yaha #CHIRON 7 (IMO 9127291,MMSI 671294100) waa in la rogaa shidaalka Jaban ee uu sido. Waxaanu ka digaynaa in la celiyo shidaalkaas iyada oo loo danaynayo shirkado ay madaxtooyadu leedahay oo caadaystay in dhiigmiirtaan dadka oo ku qaaliyeeyaan shidaalka.”

Xamse Khayre

Xisbiga Waddani

Xog-hayaha Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska.

 

Dhawaan ayay ahayd markii ay markabkan ku eedeeyeeyn qaar kamid ah shirkadaha keena shidaalka Somaliland in markabkani uu sido shidaal aan waa faqsanayn xeerka shidaalka Somaliland, balse xoghaye Xamse waxa uu ganacsatadan eeda soo jeedisay ku eedeeyay inay madaxtooyada gacan saar la leeyihiin.

 


Loading...
Loading...