Ururrada Bulshada Rayidka Oo Walaac Ka Muujiyay Khilaafka Ka Taagan Doorashada Puntland
Saraakiisha ururrada
bulshada rayidka ee Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa
si kulul uga soo horjeestay colaad laga rido Puntland. Waxay sheegeen in taasi
ay tahay khad cas oo lama taabtaan ah.
Waxay eedeyn kulul u
jeediyeen dhinacayadda siyaasadda oo ay sheegeen in markii horeba bulshada
aanay wax weyn ku soo kordhin.
"Ma dooneyno in aan mar
kale goobjoog u noqono wixii ka dhacay Boosaaso 2021 kii, wixii ka dhacay
Garoowe 2023, ficiladaas oo aan lagula xisaabtamin dad kii gaystay. Qoysas dhan
ayaa ubad koodii, kuwii ay jeclaayeen lixaadkoodii iyo maalkoodii ku waayay.
Dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ayay wiiftadu ku dishay goobahooda
ganacsi 2019-kii, waxa nasiib darro ah inta badan ehellada dadkaas aan lala
qaybsan dhibta ku dhacday, loogana garaabin wixii gaaray” ayuu yiri
Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Cabdiraxmaan oo ah gudoomiyaha daladda ururrada
bulshada rayidka ee Puntland.
Waxay dhinacyada isku
haya Puntland u jeediyeen in ay u turaan dadka rayidka ah ee awalba la daalaa
dhacayay dhibaatooyinka kala duwan, waxayna ugu baaqeen wadahadal lagu xaliyo
muranka taagan.