Arrimo Uu Deni Uu Ku Eedeyn Jiray Farmaajo Oo Maanta Isaga Lagu Eedaynayo
Magaalada Garoowe waxaa
maanta ka taagan xiisad u dhaxaysa Dowladda iyo Mucaaradka oo baryihii ugu
danbeeyey ku kala aragti duwanaa hanaanka ay u dhacayso doorashada Puntland
sanadka 2024-ta
Maamulka ayaa doonaya
in doorashada madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada oo ka kooban 66 mudane ay ku
dhacdo mid dadku codkooda ku soo doortaan wakiiladooda, sida uu marar badan
sheegay Madaxweynaha Puntland Sicid Cabdilaahi Deni.
Laakiin Afhayeenka
Dallada Mucaaradka Cabdirixmaan Dhoore oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in
dowladu haysan waqti ku filan oo ay ku qabato doorasho qof iyo cod ah.
Khilaafkan ayaa gaaray
heer mucaaradku soo saareen jadwal doorasho oo ay xuseen inay doorasho u gaara
qabsanayaan,dowladuna ku sheegtay mid qaynuunka baal marsan.
Madaxweyne Deni oo ka
hadlay Garoowe ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la hadlo mucaaradka balse
mar kale ayuu ku celiyey in doorashadu noqonayso mid hanaanka xisbiyada lagu
galayo.
Dowlada federalka ayaa
dhinacyda ugu baaqday inay xalka furan ee loo baahan yahay uu kaliya yahay
wadahadal iyo is qancin.
Beesha caalamka ee
diblomaasiyiinteedu fadhigoodu yahay xarunta xalane ayaa kulamo la qaatay
madaxda dowladda iyo daladda ay ku midaysan yihiin mucaaradka. Waxayna ka
dalbadeen in kala aragti duwanaansha doorashada lagu xaliyo wada hadal.
Muxuu deni ku diidanaa
Farmaajo?
Madaxweynaha Puntland
Siciid Cabdilaahi Dani ayaa sanad iyo bar ka hor ka mid ahaa madaxdii dawlad goboleedyada
ee sida adag ugu horjeestay hanaankii ay wax ku waday dowladii Madaxweyne
Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.
Deni ayaa xilligaas
marar kala duwan ku dhaliilay Farmaajo "inuu doonayo inuu nidaam doorasho
oo aan suragal ahayn dalka galiyo". Waxaa xusid dmudan in Deni xilligaas
ahaa musharraxmadaxweyne.
Khudbad dheer oo uu
jeediyay ayaa uga hadlay wadahadalo gaara oo dhexmaray isaga iyo Madaxwene
Farmaajo.
‘’Waxaan ku iri
doorasho qof iyo cod ah lagama gaaro, doorasho dadbana waa la yaqaanaa
wadadeeda.” ayuu yiri Madaxweyne Deni khudbad uu ka jeediyey xarunta PDRC.
Dhanka kale Siciid Deni
ayaa ku dhaliilay madaxweyne Farmaajo inuu doonayo inuu waqti kordhin samaysto,
inkasta oo dawladdii madaxweyne Farmaajo marar kala duwan xustay inaysan
doonayn muddo kororsi.
Maxay mucaaradka
Puntland hadda ku eedeynayaan Madaxweyne Deni?
Siyaasiyiinta
mucaaradka Puntland oo ku midaysan dallad ay ugu magacdareen mucaaradka, ayaa
ku eedeeynaya Madaxweyne Siciid Deni qodobo lamid ah kuwii uu ku eedeyn jiray
madaxweyen farmaajo sanado Ka hor.
Inkasta oo aynaan
xaqiijin karin annagu, waxay ku eedeeyeen; Muddo kororsi iyo in uu doonayo inuu
qabto doorasho aan suuragal ahayn xilligaan.
"Madaxweynuhu
wuxuu doonayaa inuu tosho shaati isaga leh oo doorasho", ayuu yiri Xasan
Shire Abgaal oo ka mida mucaaradka.
‘’Isimaddu waa inay soo
dhex galaan xiisada ka taagan Puntland,Siciid Deni doorasho ma doonayo ee muddo
kororsi sharci daraa ayuu wadaa mana ka yeelayno” ayuu intaas raaciyey Xasan
Shire.
Ahmed Ciise Cawad oo ka
mida Daladda mucaaradka Puntland ayaa ku eedeyey Madaxweynaha in doorashada la
qabanayo ay ka dhalan doonto shuruucda oo la baal maro.
‘’ Waxaan u socono waa
inay dhacdo doorasho la isla ogol yahay oo si nabada ku dhacda taas ayaa dan u
ah Puntland” ayuu yiri Cawad.
War saxaafadeedyo
dhowra oo ay soo saareen dallada mucaaradka ayaa ku dhaliilyey xukumada inaysa
u socon doorashadu inay ku dhacdo waqtigeedii oo ah 8-da janaayo 2024-ta sida
ka mid ahayd qoraalka warsaxaafadeedka ay mucaaradku soo saareen todobaadkii
hore.
BBC