'Waxaa La Ii Maleeyay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Oo Puntland Dhex Wareegaya'
Isxaaq Axmed Xasan waa
guddoomiyaha degmada Waaciye oo ka tirsan gobolka Bari ee Soomaaliya, balse
muuqaalka oo ay isaga egyihiin hugaamiye Afrikaan ah oo si wayn loo yaqaano
ayaa noloshiisa maalin laha ah saameyn ku yeeshay.
Isxaaq waxa uu si uun u
shabahaa ay muuqaal raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Arrinta isu ekaanshaha
labada nin ayaa marar kala duwan hadal hayn ka dhalisay baraha bulshada, gaar
ahaa deegaanada Puntland.
Dhanka kale waxaa jira
dhacdooyin qosol leh oo uu sheegay inay marar kala duwan dhaceen. Waxaa kamid
mid uu sheegay inay ka dhacday degmada uu gudoomiyaha ka yahay oo ay wufuud ka
socotay dawladda Soomaaliya iyo Puntland ay soo booqdeen.
"Wufuud heer fadaraal
ah ayaa mar timid degmada Waaciye, kadibna wasiirkii hore ee maaliyadda
Cabdiqaadir Caashe, ayaa tusay madaxweyne Gaas [sawirkeyga] oo yiri 'Abiy ayaa
manta tagay Waaciye', markaas ayuu yaabay madaxweyne Gaas.
Mar dambe ayuu sheegay
in lagu baraarugay in qofka sawirka ka muuqda uu yahay guduumiyihii Waaciya.
Saameynta ay noloshiisa
ku yeelatay in ay Abiy isku egyihiin
Isxaaq ayaa sheegay in
muddo badan loogu wici waayay magiciisa oo dadku marka ay arkaan ay ugu yeeraan
‘Abiy’ taas oo uu sheegay in ay saameyn nololeed ku yeelatay.
"Saameyn weyn ayey igu
yeelatay, saacad kasta dadka aan xitaa I garaneyn waxa ay iigu yeeraan Abiy.
Inkasta oo hadda aysan ahayn sidii hore, aniguna maba jecleyn magacayga magac
aan ahayn in la’iigu yeero”, ayuu yiri guddoomiye Isxaaq.
Waxa uu sheegay in
xittaa marka laga eego dhinaca amniga aysan isaga farxad gelineyn in loogu
yeero magaca reysal wasaaraha Itoobiya, waliba marka ay dadku ugu yeeraan
xilliyada u uku suganyahay meelaha ay bulshadu isugu timaaddo ama ay ku
kulmaan.
Labada aabe oo isku eg
Arrinta kale ee
layaabka noqotay ayaa ah in ay aad isugu egyihiin aabbaha dhalay reysal
wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo sido kale aabbaha dhalay guddoomiye Isxaaq
Axmed, iyadoo weliba ay isku magac yihiin.
"maalin maalmaha kamid
ayaa nin aan saaxiib nahay oo aan wada shaqeyno isla markaana aan qaraabo nahay
ayaa sawir iiso diray, waxa uu igu yiri qofkaan ma garaneysaa, anigu wan yaabay
oo sawirkii ayaan aad u eegay, waan shakiyay oo waa qof aan aabbahay u maleyn
lahaa sida uu ugu egyahay awgeed, laakiin waxa kaliya ee ay ku kala duwanaayeen
ayaa ahayd bar ama honqor wejiga kaga taalla Abiy aabbihiis” ayuu yiri
guddoomiye Isxaaq Axmed.
Waxa uu sheeegay in ay
layaab ku noqotay arrintan, dadku waxa ay aad u hadal hayaan isu ekaanshaha
reysal wasaaraha iyo guddoomiyaha, hase yeeshee waxaa muuqatay in aad isaga sii
ekaayeen labada aabbe.
'Hadii aan damco inaan
Itoobiya aado timaha ayaan xiiran doonaa'
Maadaama Soomaalidu
inteeda badan isku raaceen isku ekaanshaha labada nin, in sidoo kale shacabka
Itoobiyaanka sidaas oo kale ay maleeyaan ayuu Isxaaq qabaa inay suuragal tahay.
Sidaas daraadeed
arrintaas ayaa walwal ku haysa ISxaaq marka ay noqoto in Itoobiya ay dani ka
gasho.
"Haddiiba ay dhacdo in
aan safar u baxo ama Itoobiya tago, kolley timaha iyo garka ayaan xiiran doonaa
si aanan khatar u gelin, waa run dadku wey dhihi karaan waaba reysal wasaarihii
oo magaaladiisa iska maraya, marka si aan la’iigu maleyn wan is yar beddeli
lahaa”.
Waxa uu sheegay in
reysal wasaaraha Itoobiya uu yahay nin Itoobiyaan ah, oo Oromo ah, balse isagu
uu joogo Soomaaliya gaar ahaan Puntland isla markaana ay u fududaan lahayd in
uu dadka ka dhaadhiciyo in uusan ahayn reysal wasaarihii Itoobiya.
BBC