Cabsi Ka Jirta Garoowe Iyo Dadka Qaar Oo Isaga Baxay Xaafadahoodii

0
Sunday November 19, 2023 - 11:29:35 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 906
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabsi Ka Jirta Garoowe Iyo Dadka Qaar Oo Isaga Baxay Xaafadahoodii

    "Garoowe waxa horey ugu sugnaa ciidamada Danab oo ka soo horjeeda qorshaha dawladda"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Garoowe waxa horey ugu sugnaa ciidamada Danab oo ka soo horjeeda qorshaha dawladda"



Warrarka ka imaanaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo ah kuwa dawladda oo ka yimid Boosaaso ay soo gaareen halkaas, xili ay sii kordhayso baqdinta la xiriirta in rabshado ka dhashaaan muranka doorashada ee ka taagan Puntland.

 

Sawirro ay BBC-du heshay ayaa muujinaya dad ka qaxaya xaafaddaha qaar, iyadoo badi iskuullada la xiray sida uu ku soo waramayo weriyaha BBC-da Garoowe.

 

Garoowe waxa horey ugu sugnaa ciidamada Danab oo ka soo horjeeda qorshaha dawladda ee ah in doorashada loo qabto hannaanka ay u soo jeediyeen guddiga doorashooyinka Puntland iyo ciidamo beeleedyo kale oo dhammaantood ku eedeynaya Madaxweyne Dani in uu doonayo in uu waqtiga kororsado.

 

Qaabka loo qabanayo iyo waqtiga Doorashada Puntland ayay ku kala aragti duwan yihiin madaxda dawladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka, wuxuna midba mid kale ku eedeynayaa in uu dastuurka ku xadgudbay.

 

BBC


Loading...
Loading...