Dallada SONSAF Oo Ka Hadashay Laba Dhalinyaro Ah Oo Ku Geeriyooday Bada Berbera.
Hargaysa (HWN) Gudoomiyaha
Guud ee Dallada SONSAF Anwar Cabdiraxmaan Warsame ayaa ka hadlay laba
dhalinyaro ah oo ku geeriyooday bada Berbera.
Gudoomiye Anwar ayaa
usoo jeediyay maamulka Degmada Berbera inay xil iska saaraan ilaalinta bada,
sida uu ku sheegay gudoomiyuhu qoraalkan hoose oo uu baahiyay.
"Maalintii Shalay ahayd
waxa Badda Berbera ku geeriyooday laba dhalinyaro ah oo meydkoodii ilaa hadda
la waayay, runtii waa geeri naxdin leh oo ay sababtay badda Berbera oo ay ku
dhinteen dhalinyaro tiro badan oo ka kala yimi gobolada dalka.
Waxa aan ugu baaqayaa
dhalinyaradu in ay ka feejignaadaan, islamarkaana aanay khatar galin naftood iyagoo aan aqoon u lahayn xirfad
ama dabaal ay kaga badbaadikaraan badda.
Markale waxa aan ugu
baaqayaa maamulka degmada bebrbera in ay dedaal dheerad ah ku bixiyaan
adeegyada badbaadada badaha iyo maaraynta marka ay dhacaan masiibooyinka noocan
oo kale ah.
Sidoo kalena taxadar badan la sameeyo
xiliyadda ay jiraan roobabka badani.” Ayuu
qoraalkiisa ku yidhi Gudoomiye Anwar.
Maaha markii ugu
horaysay ee Bada Berberi ay liqdo dhalinyaro, balse dhalinyaro badan ayaa ku
nafwaayay biyaha Bada Berbera.