Akhri ku khasaari mayside
Anigoo akhrinaaya, gabayga Sirta nolasha ee Abwaan Hadraawi ayay qormadani igu dhalatay inaan qoro. Siiba qaybtaan:
"Hurdo iyo Sahraay jiifka
marka hore sariir raadi
Salli iyo furaash dayday
saddexdaba hadaad waydo
lamaseexan kari waayo
hada saantu qodax maaha.
Hadaba aan iftiimino nuxurka iyo falsafada aan u arkay inay turjumayso intaani, hubaal qof walbaa oo inaga mida wuxuu rabaa wax wanaagsan, dhaqaale, farxad, qoys, dadku haba ku kala duwanaadaan markaas, aan ku gaabsano qofwalbaa waxa uu rajaynaayo. Balse inta badan ma helno! Sabab? Waxaan dhihi karnaa sababta koobaad waa: Ficil la'aan. Abwaanku muxuu yiri? ”Hurdo iyo Sahraay jiifka, marka hore sariir raadi„ Yacni talaabo qaad bal.
Tusaale, hadii aad rabto inaad dhaqaale hesho hada u kuurgal, shaqo raadi, fikrad ganacsi keen, oo lamaal gashan karo. Yacni marka kobaad keen wado dhaqaale aad ku samayn karto. Baytka u horeeya wuxuu inoo iftiiminayaa han wayni iyo ficil, oo wuxuu ka bilaabay, Sariir Furaashna wuu ku xigsiiyay.
Qormadu way dheer tahay waan kala jaray, waxaana ka baqay inuu dheraado, sidaas daraadeed qayb labaad aan u samayno insha'allah, oo ku sharaxayno baydadka kale.
Waxaa diyaariyay Yahye Mohamed
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!