Wax Ka Baro Waddanka Guniea Conakry. W/Q Rashiid odowaa

0
Thursday July 04, 2019 - 11:36:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1854
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax Ka Baro Waddanka Guniea Conakry. W/Q Rashiid odowaa

    Ka dib markii Safar uu ugu anbabaxay,madaxweynaha Somaliland H.E Muse Biixi waddanka "Guniea Conakry"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka dib markii Safar uu ugu anbabaxay,madaxweynaha Somaliland H.E Muse Biixi waddanka "Guniea Conakry"

safarkan oo mucjiso ku noqday dadka reer Somaliland aadna ay u soo dhoweeyeen,ayaa dad badani waxay is waydiiyeen imisa waddan oo "Gini” la yidhaahdo ayaa horta jira?iyo maxaa horta aynu isu nahay? Iyo maxaa inaga dhaxayn jiray? Haddaba bal aynu yara eegno waddankan Guniea Conakry.


Horta magaca Guniea waxa  wadaaga saddex waddan,Guniea Conakry,Guniea Bissau iyo Equatorial guinea,magacu wuxuu ka yimid luqadda Bortaqiiska macnihiisu waa Dadka madowga ah ee koonfur ka xiga Wabiga Senegal,haddaba labada waddan ee hore waxay ku yaallaan galbeedka Afrika,kan kale ee Equatorial Guniea isagu wuxu ku yaallaa Afrikada dhexe gaar ahan galbeedka,



Haddaba waddanka aynu inagu tooshka ku hayno, Guniea Conakry oo barigii hore loo yaqaannay Ginida faransiiska,oo ka mid ahaa waddamadii Faransiisku Gumaysan jiray,wuxuu ku yaallaa galbeedka Afrika tirada dadka waxa lagu qiyaasaa 12.4 milion bedka dhulka 245,865km Sq,waxa uu xornimada ka qaattay Faransiiska 1958kii.


Waddankani wuxu leeyahay madaxbaani buuxda marka la eego shuruucda caalamiga ah,waxa kaloo u dheer ma jirto cid uu ku tiirsanyahay xag military iyo xag dhaqaale,nooca Dowladnimo waa jamhuuriyad macnaha la iskama dhaxlo xukunka ee waxa lagu yimaaddaa Doorasho,wuxu leeyahay waddanku dastuur,wuxu leeyahay Hal aqal wakiillo oo sharci dejin ah.xubnaha matalaya baarlamaanka dadka ayaa toos looga soo dhex doortaa.waxay kaloo leeyihiin Golaha garsoorka waxana xukunta maxkamadda sare.


Xagga xidhiidhka caalamiga ah waxay la leedahay waddamada Faransiiska,Jarmalka,Ivory coast iyo Senegal,waxay kaloo xubin  fir fircoon ka tahay Ururka ay leeyihiin waddamada galbeedka Afrika ee "ECOWAS”waxa kale oo uu waddankani qayb ka yahay Maxkamadda Danbiyada Dagaalka "ICC " waxa waddankan magangelyo ahaan u jooga qoxooti dhan 700,000 oo qof oo ka kala yimid Liberia,Gini bissau iyo sierra leon, waxa kaloo jirta in xagga military uu waddanku kaalin fir-fircoon ka soo qaattay dhibaatooyinkii ka dhacay waddamada galbeedlka Afrika sida Sierra leon oo kale.


Dadka badi waxay haystaan Diinta islaamka 85% ugu yaraan 24 qowmiyadood ayaa dega waddanka,luqadda xafiisyada dowladda,iskuullada,isgaadhsiinta iyo warbaahintu isticmaalan waa Faransiis,hase ahaatee in ka badan 24 luqadood ayaa asal ahaan lagaga hadlaa.

Dhaqaalaha waddanka Guniea waxa uu ku tiirsan yahay Beeraha iyo macdanta,waa waddanka labaad ee aduunka ugu badan macdanta "Beuxite” oo ah dhagaxa laga sameeyo "Aluminum”waxa kale oo uu waddankani hodan ku yahay macdanta "Dheemanta iyo dahabka”


Waddankan waa meelihii ugu darnaa ee uu ka soo if baxay Xanunka "Ebola” ilahay ha inaga hayee,waxa waddankan uu hadal ka taaganyahay Xagga Xuquuqda aadamaha 2012 report kii ay soo saartay UN waxay ku qiimeeyeen inay xaaladda Aadminimo ee waddanku horumar samaysay,maraykanku wuxu ku doodaa in Ciidamada amnigu gabod fal gaystaan,waxa kale oo ku doodayaa in Xuquuqda Haweenka iyo carruurtu hoosayso waxa kaloo uu leeyahay Gudniinka Fircooniga ah ayaa ku badan waddanka.


Si kastaba ha noqottee Martiqaadka rasmiga ah ee wafdiga uu hoggaaminayo madaxweyne Muuse biixiuu ka helay madaxweynaha waddanka Gini konakry "Alpha conde” ayaa ah ama dad badani u arkaan,albaab cusub oo galbeedka Afrika uga Hillaacay Jamhuriyadda Somaliland,waxana aan shaki ku jirin in Siyaasaddii arrimaha Dibadda wax wayni iska beddeleen,lana filayo Guullo aad u waawayn in ay Somaliland u soo hoyato oo Ictiraafku ka mid yahay dhowaan,insha allah.

 

Rashiid Odowaa

[email protected]

063-4101213

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...