Maxay 20 Jirada Ceerigaabo Duhurkii U Dhaxamoonayaan?
Koox dhallinyaro ah oo
degan magaalada Ceerigaabo ayaa iska qaaday sawiro iyaga oo huwan bustayaal
gacmahana ku haysta shaax bartamaha magaalada Ceerigaabo.
Waxay sheegeen in
xilligu duhur yahay, dhaxan darteedna ay u dugaashanayaan huga culus iyo
shaaxa,
Kooxda dhallinyaradaha
oo wada jooga isla goobtii ay sawirka ku galeen ayaan la xariirnay si aan wax
badan uga ogaano xaalka qabowga ee magaalada iyo saameynta ay ku yeelatay
bulshada.
Dhallinyaradaan ayaa
kala ah: Maxamuud Maano, Maxamed Macallin, Sakariye Maxamed, Maxamed sent iyo
Isxaaq maxamuud.
Waxaan ugu horeyn la
hadalnay Maxamed macalin oo taleefanka naga qabtay isaga oo noo sheegaya in
roob ka da’ayo magaalada.
Ceerigaabo waa magaalo
ku taalla gobolka Sanaag, inkasta oo ay caanku tahay qabow, hadana xaalka waa
uu ka sii daran yahay sida ay noo sheegeen dhallinyaradaan.
"Sanadka bisha 12 aad
oo kale waxaan naqaanay in heerkulku aad hoos ugu dhaco, balse maalmahaan waxaa
ka jiray magaalada roobab joogto ah oo dhaxnta aad u sii badinayay,” ayuu yiri
Maxamed oo markaas ay wada jogeen qaar kamid ah saaxiibadiis.
Mararka ayuu sheegay
Maxamed in heerkulka magaalada uu gaaro 4 digree, taas oo uu dhaw heerka ay
biyuhu ku barafoobaan.
Maqaayadda Jabcadaha
Bartamaha magaalada
waxaa ku yaalla bar ay ku kulmaan dhallinyarada iyo raga kale ee magaalada ku
nool. Halkaas waxaa ku yaalla maqaaxi caan ah oo shaaha lagaca cabo, taas oo
macaamiisheeda uu shubta shaaha jabcado ama baaquliyaal. Xilligaan oo kale ayaa
ah marka loogu jecel yahay in loo shah doonto maqaayada jabcadaha.
Dhallinyaradaan ayaa
kamid ah dadka halkaas u fiidsi doontay oo shaaha baaquliga lagu shubo biday
kulayl. Balse waxay noo sheegeen in shaaxaas uu ku filaan la yahay si ay
diirimaad u helaan.
Dhanka kale kooxdaan
dhallinyarada ah ayaa ah rag aan xaasas lahayn oo iskaabulo wada ah.
Maxamed oo kaftamaya
ayaa yiri: "Dhamaantood raga sawirada ka muuqdaa waa dhallinyaro iskaabulo ah.
Taasaa ugu wacan dhaxanta,”.
Saameynta dhaxanta ee
dadka Ceerigaabo
Jaabir Bulshaawi waa
wariyihii qaaday sawirada ay baahay ee dhallinyarada Ceerigaabo, wuxuu sheegay
in marka laga soot ago qabow haysta da’yartaan uu la kulmay dad kale oo danyar
iyo waayeel ah oo uu si daran u saameeyay qabowgu.
"Waxaa jira dad u nugul
dhibaatooyinkaan marka ay dhacaan kuwaas oo ay kamid yihiin dadka waayeelka ah
oo aan xijisan Karin dhaxanta. Waayeelo waxaa jira guryaha ka soo bixi la’ ,”
ayuu BBC da u sheegay Jaabir.
Waxaa kale oo jira dad
danyar ah iyo kuwa darbi jiif ah oo aan markii horaba haysan meel gabaad ay ka
galaan dhaxanta. Kuwaas ayaa hadda wajahaya xaalad aad u daran.
"Dad waxaa joogaa darbi
jiif ah oo banaanadaas uu roob ku helo oo aan awoodin bustayaal iyo koorar ay
dhaxanta isaga difaacaan inay iibsadaan. Waan la kulmay dhallinyaro yaryar oo
darbi jiif ah oo aad arkeysid iyaga oo dhulka jiifa oo gidaaro isku nabaya,”.
Dadkaas ayuu sheegay
Jaabir in ay markii hore caain jireen dhallinyaro is xilqaantay, balse haatan
ay u muuqdaan in caawimaadaasi ay ka soo daahday.
Deegnada Soomaalida
ayaa waxaa ku dhuftay sanadkaan daad ay sababeen roobab kaas oo ugu yaraan 32
qof ku dilay gudaha dalka, sida ay sheegtay dawladda Soomaaliya.
Waxaa loo badinayaa
inay sii socdaan roobabkaan tan iyo dhamaadka bishaan aan ku jirno ee November,
balse waxay u badan tahay inay xaalka ugu sii darto hadii robabka sii socdaan.
In kabadan hal milyan
oo ruux ayaa la filayaa in saameyn hor leh uu ay ku yeeshaan roobabkaan.
BBC