Awoodaada Ogow Oo Wax Iskaga Celi ( Ali Biixi).

0
Thursday November 16, 2023 - 10:31:09 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1066
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Awoodaada Ogow Oo Wax Iskaga Celi ( Ali Biixi).

    Waxay waydiisay maxaad la barooranaysaan?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay waydiisay maxaad la barooranaysaan?


Sheekadanu waa mid beri hore ka dhacday Tuulo ay ku nool yihiin dad Kaluumaysato ah.

 

Raggii oo dhan ayaa u baxay Badda iyo in ay soo Kaluumaystaan.


 

Iyagoo maqan ayaa Tuuladii waxa soo weeraray Tuug iyo budhcad, wax kasta intay dhaceen oo gurteen

Ayay Dumarkii oo dhan kufsadeen.



 

mid qudha mooyee oo iyadu dishay kii kufsanaayay.

Kadib gurigii ayay ka soo baxday,


Waxay aragtay Dumarkii oo dhan oo barooranaaya,

Waxay waydiisay maxaad la barooranaysaan?


Maad sidayda oo kale dishaan ninkii idin kufsanaayay ?

Ama

aad dhimataan? oo sharaftiina u dagaalantaan oo difaacdaan ?

 

Iyada oo jiidaysa kii is lahaa kufso ,

Oo mayd ah.


 

Dumarkii inta ay wada aamuseen ayay ku tashadeen in ay iyada dilaan .

 

Si aanay u sheegin ceebtoodii iyo in ay sharaftoodii difaaci kari waayeen.

 

Oo ay ragoodu ku yidhaahdaan :


maxaad sida gabadhaa sharaftiina u difaaci waydeen ?

Ama

U dhiman waydeen?

 

Way dileen oo way aaseengabadhii sharafteedii difaacday ee rumaysnayd

In ay dhimato ama


wax disho oo sharafteeda iyo karaamadeeda difaacdo.

 

Dumarkan kale ee la kufsaday sharaftoodu qaali kumay ahayn iyo karaamadoodu , awoodoodiina may tijaabin in ay wax iskaga celin karayaan.

 

Oo ismay odhanba:


Waad is difaaci karaysaan oo fikradaasu kumay soo dhicin.

 

Markaa dad baa jira sida Dumarkaas la kufsaday oo kale ah oo awoodooda arkayn oo tijaabinayn oo ogayn in ay wax iska celin karayaan .


 

Oo ooyaaya oo barooranaaya goor kasta .

Oo aan ogayn in ay wax iska celin karayaan.

 

Oo kii sharafta iyo karaamada lahaa xagxaganaaya oo caayaaya oo dhaliilaaya.

 

Sharaftaa iyo karaamadaada iyo awoodaada waa inaad garataa oo ogaataa.


 

Cali Biixi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...