Ambassador Iyo Shaqada Uu Qabto

0
Monday March 11, 2019 - 09:56:12 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1443
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ambassador Iyo Shaqada Uu Qabto

    Wakiil ama Ambassador waa Sarkaalka ugu sareeya xagga darajada diplomasiyadda waxa uu waddan si sharci ah ugu diri karaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiil ama Ambassador waa Sarkaalka ugu sareeya xagga darajada diplomasiyadda waxa uu waddan si sharci ah ugu diri karaa

inuu wakiil uga noqdo waddan kale oo madax bannaan,ama hayad caalami ah,weedhan waxa kale oo loo adeegsan karaa shakhsi isagu isu xil saaray inuu howlo gaar ah bulsho meel uga fuliyo.



Waddanka loo diray waa inuu aqbalaa marka uu shakhsigan darso aqoonstiisa iyo taariikhdiisa waxanu ku aqbali karaa "Persona Gratta” haddii wadankaasi aqbali waayo wuxuu odhanayaa "Persona non gratta”shakhsigan waddankayaga lagama ogola isla markaa waa in dowladda Soo Diratay keentaa shakhsi kale sida uu qeexayo "axdiga Vienna ee Diplomatic relation 1961”waxa lagu ansixiyay heshiiskaas in dhowridda diplomasigu tahay qodob ka mid ah Shuruucda Caalamiga ah (International law).


Maadaama ay sidaas tahay oo la siiyay diplomasiga dhowrsanaan aad u sarraysa, dabcan,Isagana waa inuu ahaadaa qof dhowrsoon oo ilaaliya waddanka soo dirtay Sumcaddiisa haddii taas la waayo wuxuu dhaawaci karaa xidhiidhka labada waddan.


SHARAFTA IYO DHOWRSANAANTA DIPLOMASIGA

Diplomacigu wuxuu leeyahay dhowrsanan iyo inuu si nabad ah ugu gudbi karo meel kasta oo uu marayo waxa ka mamnuuc ah in waxyeello loo gaysto,laguma xukumi karo sharciga wadankaas uu joogaa uu leeyahay, laguman soo eedayn karo sidoo kale lama baadho shandadihiisa iyo wixii alaab ah ee u socotta safaaradda ee uu ku qoranyahay magaca safaaraddu.


Waxa suurto gal ah haddii diplomasigu galo fal danbiyeed aad u wayn in wadankii uu ka yimid ka gudo danbigaa uu galay shaqadiina ku waayo,Waxa xusid mudan safaaradda uu waddan leeyahay ciidanka ama police ma geli karo,sababtu waxay tahay safaaraddu waxay ka mid tahay dhulka wadankaas safaaradda leh albaabka keliya ee loo mari karaa waa in lala hadlo dalkii safaaradda lahaa.


SHAQADA DIPLOMASIGA AMA AMBASSADORKA


1-Marka ugu horraysa waxa uu yahay calaamad u taagan waddankaas uu ka yimid,waxa kaloo uu wakiil ka yahay Madaxweynaha wadankaas soo dirsaday dabcan waa muraayadda laga daawan karo waddankaas soo dirtay nooca uu yahay,hadii uu wanaagsanyahay waddanka uu ka yimid wuu wanaagsanyahay hadduu xunyahay waa taas cakiskeeda.


2-Waxa uu xidhiidhka u hayaa oo uu wanaajiyaa labada waddan ee uu u dhexeeyo wadankiisii uu ka yimid iyo wadankan uu martida u yahay wax kasta oo dano ah oo ka dhexeeya waa inuu qaybta ugu badan ka qaattaa.


3-Waxa uu magan geliyaa xaqoodana ilaaliyaa Muwaadiniinta wadankiisa ah ku nool waddankaas uu joogo,waxa kaloo uu xidhiidhiyaa Jaaliyadda halkas ku nool horumarkooda iyo la shaqayntooda.



4-Waxa uu xidhiidhiyaa sidii ay u qaybsan lahaayeen labadan waddan wixii horumar dhaqaale iyo xaddaarad bal eh.waxa bixiyaa taloyinka Siyaasadda.


5-Waxa uu ka qayb qaattaa sidii ay nabad gelyo iyo is faham ugu wada noolaan lahaayeen labada waddan xidhiidhkooduna u fiicnaan lahaa,isla markaana wuxu ka hortagaa wixii is maandhaaf keeni kara.


6-Waxa uu ka sheqeeyaa Danaha iyo xidhiidhka labada waddan,waxa uuna kobciyaa heshiisyada iyo axdiyada ka dhexeeya labadan waddan,waxa uu soo gudbiyaa akhbaarta hadday tahay ganacsi,horumar iwm.


Intan oo keliya laguma koobi karo shaqada diplomasiga

Wa billahi towfiiq

Rashiid Odowaa

[email protected]

063-4101213

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...