Maayar Mooge Oo Lagu Eedeeyay In Uu Wadooyin Iibiyay
Hargaysa (HWN) Dadweyne
isugu soo baxay suuqa Waaheen ee Hargeysa ayaa maayirka caasimadda Hargeysa
Cabdikariim Mooge, ku eedeeyay in uu
iibiyay waddooyinkii suuqa Waheen kuwaas ay sheegeen in rag ganacsato ah uu ka
iibiyay isagoo gacan ka helaaya xukuumadda dhexe.
Sidoo kale dadka hadlay
ayaa sheegay in wasiirkii xilka laga qaaday ee Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland
sababaha xilka looga qaaday ay ka mid ahayd in uu diiday in la iibiyo dhulkan
oo Maayir Mooge iyo xukuumadda dhexe iska kaashanayaan sida ay hadalka u
dhigeen.
‘’ Maayirka xafiiskiisa
ayaan ugu tagnay wuxuu yidhi waddo laba haad ah oo dhexdana aan dhir ku beero
ayaan ka samaynayaa, maannu filayn ninkii 26 kun ee cod Hargeysa siisay ayaa
waddooyinkiinii iibin’’ Hooyo ka mid ah dadka hadlay.