Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Tariikhda Marxuum Maxamed Xaashi Oo Geeriyooday.

0
Wednesday November 15, 2023 - 10:48:05 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2035
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Tariikhda Marxuum Maxamed Xaashi Oo Geeriyooday.

    Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun


 

TACSI MADAXWEYNE: 14/11/2023

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qaranka, ehelladii, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee wasiirkii hore ee Maaliyadda Marxuum Maxamed Xaashi Cilmi oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 14-11-2023 magaalada Riyaad ee Dalka Sucuudi Carabiya.

 

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey dhaqaale yahan ka tegey xasuuso badan oo dhinaca dhaqaalaha ah, kana baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay halgamadii kala danbeeyey ee dalka loo soo maray, isagoo ka mid ahaa aas-aasayaashii Ururkii SNM, sidoo kalena qayb ka ahaa nabadayntii shacbiga Somaliland iyo dib u dhiskii Dalka, markii danbena qarankiisa ugu shaqeeyey Xilal ay ka mid ahaayeen Maayarka Caasimada Hargeysa, Wasiirka Wasaaraddaha Ganacsiga iyo Maaliyadda.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qaranka, ehelladi iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

 Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.


Loading...
Loading...