Xanuunnada Halista Ah Ee Laga Yaabo Inuu Wax Ka Taro Subagga Ay Somalidu Isticmaasho
Maxaad ku xusuusataa
markaad subag maqasho? Canjeero kulul amaba oodkac lagu sameeyay subag.
Subaggu mar buu
Soomaalidu u ahaa cunno aysan ka maarmin oo waxyaabo badan iidaan looga dhigo,
hase yeeshee muddooyinkii dambe waxyaabo badan ayaa beddelay sida
saliid-caddeyda amaba macsarada iyo noocyo kale sida tan saytuunka.
Inkastoo subagga kan
lo’da iyo arigaba laga isticmaalo meelo badan oo Soomaaliya ah, sidoo kalena
qaaradda Aasiya sida Hindiya, haddana waxaa soo baxayay in haddii la iska
badiyo uu dhibaato u leeyahay caafimaadka. Sababta ayaa ah in subagga uu
leeyahay dux aad u badan.
Subagga waa waxa ugu
saafisan ee laga soo saaro xoolaha, haddii ay ahaan lahayd lo’da amaba ariga.
Isticmaalka Soomaalida
ee subagga xoolaha
Subagga xoolaha waqti
hore ilaa hada wuxuu ahaa mid isticmaalkiisu ku badan yahay dhulka soomaalida
gaar ahaan miyiga oo uu ahaa iidaanka cunada kan labaad ee loogu isticmaalka
badan yahay marka laga soo tago caanaha xoolaha.
Marka marti soo hoyaati
timaaddo wuxuu subaggu ahaa mid loogu iidaamo cunada lagu marti soorayo sida
bariiska cad,digirta ama wax burka laga sameeyo.
Subagga loogu
isticmaalka badan yahay dhulka Soomaalida waxaa laga soo saaraa caanaha ariga
iyo lo’da inkastoo abaaraha saameeyey deeganada uu yaraaday helitaankiisa.
Subaga ayaa u kala baxa
laba nooc oo kala isticmaala mid sixin ah oo waxba lagu darin iyo mid saliid
lagu barxo si mudo loo sii isticmaalo.
Faa’iidooyinka laga
helo subagga
Maryan Ciise Cumar oo
bare ka ah jaamacadda Badda Cas ee Boosaaso oo ku takhasustay nafaqeynta iyo
quudinta, ayaa BBC-da u sheegtay in subaggu leeyahay faa'iidooyin dhowr ah iyo
sidoo kalena uu u darnaan karo caafimaadka.
Nafaqada ku jirta
subagga
Halkii qaaddo oo subag
ah waxaa ku jirta:
Kalori: 130
Borotiin: 0 garaam
Dufan: 15 garaam
Karbohydaraat: 0 garaam
Fiber: 0 garaam
Sokor: 0 garaam
Sida ay muujiyeen
daraasado laga sameeyey sida uu subaggu ugu fiican yahay jirka bini’aadanka
ayaa muujinaysa in maaddooyin muhiim u ah caafimaadku ay ku jiraan subagga
kuwaas oo qaybtood ka hortaga cudurro halis leh.
Subagga waxaa ku jira
noocyo kala duwan oo oo fitamiinnada sida A,K,D iyo dufanta noociisa kan wacan
iyo kan daran.
Vitamin A ayaa nooc muhiim
ah oo jirka ka helo subagga kaas oo ka hortaga cudurro halis ah sida kansarka
ku dhaca sambabada iyo qanjirka soo saara shahwada ragga.
Sidoo kale fitamin A
ayaa waxa uu sare u qaadaa aragtida oo uu caawiyo indhaha, haddii ay jirka
qofka ku yaraadana waxaa hoos u dhici kara aragtida.
Maqaarka ayaa ka mid ah
meelaha uu subaggu u fiican yahay maaddaama uu ku jiro dufan badan ku jirto
jirkuna u baahan yahay.
Halista caafimaad ee
subagga
Subagga waxaa sidoo
kale uu leeyahay halis caafimaad oo qofka ku sababi kara cudurro halis leh.
Maaddooyinka ku badan
subagga waxaa ka mid ah dufanta nooceeda xun oo jirka ku keenta khatar
kalastaroolka ah.
Dufanta badan ee ku
jirta subagga ayaa sidoo waxyeello gaarsiin karta xididdada dhiigga ee
waraabiya wadnaha kuwaas oo xirma marka xadi ka badano o dufantaas ay gasho.
BBC