Somaliland mahelin ilaa 1991 Hoggaamiyihii badbaadin lahaa

0
Sunday November 12, 2023 - 13:16:26 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1015
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Somaliland mahelin ilaa 1991 Hoggaamiyihii badbaadin lahaa

    Qaranimada Somaliland si looga badbaadiyo Saladiinta..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaranimada Somaliland si looga badbaadiyo Saladiinta..


Somaliland maanta ilaa 1991 wxaa dilay laba: Dawlad ah Qalfoof-Madhan ( Only in Power but not In Control) iyo Odayaal Saladiin ah ooOxygenta ay ku nool yihiin tahay: Isku-Dirka iyo Kala Qaybinta Burshada. Laascanood , Garaado Dhulbahante ah ayaa dagaal ka riday. Buurta Gacan-Libaax , Saladiin Garxajis ah ayaa jabhad saaray. Distuurka dalka,Saladiin Habarjeclo ah ayaa inqilaabay. Boorama, Saladiin Gadabuursi ah ayaa dagaal ka abaabulaaya. Somaliland Dalkii, Dadkii, Dawladdii, Diintii,Distuurkii iyo Dimuqraadiyadii waxaa cunaaya Suldaan ah bahaldad u eg: Wolf in Sheep’s Clothing.



Somaliland mahelin ilaa 1991 Hoggaamiyihii badbaadin lahaa, mid ahDawaco iyo Libaax : A Fox to see thetrap and a Lion to scare off the wolves.


Madaxweyne Ina Cigaal ( 1993 ilaa 2002), Saladiinta Khiyaamo ayuu kula shaqaysan jiray. Madaxweyne Rayaale ( 2002 ilaa 2010) , Saladiinta Qabyaalad ayuu kula saxiib ahaa. Madaxweyne Siilaanyo ( 2010 ilaa 2017) Saladiinta Laluushiyo Lacag ayuu siinjiray.Madaxweyne Muse ( 2017 ilaa maanta), isaga Saladiin ayaa qaawiyay oo dalkii iyo dawladdii ka qaaday: The President has no clothes.


Qaranimada Somaliland si loogabadbaadiyo Saladiinta, dalku wuxuuu baahan yahay maanta Madaxweyne laga baqo "A leader to be feared not loved”. Madaxweyne Saladiinta Jacayliyo saxiibtinimo aanay ka dhaxay, mid ay ka baqaan. Madaxweyne aan been ka sheegayn dhaatii uu ku dhaartay:Ilaalinta: Xuduudaha Dalka, Nafta iyoHantida Dadka, Sharciga iyo Xasiloonida, Distuurka iyo Diinta.

AJ Hure

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...