Suldaan Siciid, ha ogaado inuu masuul ka noqon doono, qof kasta oo ku dhinta dhawaaqa qeyrul masuulnimada ah ee ka soo yeedhay.

0
Sunday November 12, 2023 - 12:33:56 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1656
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Suldaan Siciid, ha ogaado inuu masuul ka noqon doono, qof kasta oo ku dhinta dhawaaqa qeyrul masuulnimada ah ee ka soo yeedhay.

    Reer SSC, markey guuleysteen ee dhulkoodii qabsadeen,...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Reer SSC, markey guuleysteen ee dhulkoodii qabsadeen,...



Qore: Naaleeye


Hal qof oo aad disho ama sabtaada ku dhinta, xaga Ilaahay waxay la mid tahay adigoo laayey bani aadm oo dhan.



Suldaan Siciid da'diisu 60 kii waa dhaaftay, waa cadceed sii dhacaysa, waxa la gudbooneyd inuu samo taliyo oo Masaajidka ku xeroodo. Lama gudbooneyn inuu gacan ku dhiigle iyo baas abuur noqdo. Suldaanku wuxuu ku baaqey in Habarjeclo qaado weerar, weerarkaasoo aanu garaneyn natiijada ka dhalan karta.


Suldaanku, wuxuu aamusnaa 8 bilood oo reer Laascaanood madaafiic Muuse iyo Maxamed Kaahin la dhacayeen. Maalin kaliya kama hadal dadkaas walaalihiis ah ee la xasuuqayey iyo boqolaalkii kun ee guryahooda laga barakiciyey. Wuxuu aaminsanaa in xad la soo xidhayo.


8 daas bilood ee la garaacayey Dhulbahante , garaadada iyo wax garadka SSC, waxay ku jireen Abhinta Muuse Biixi iyo beesha Habarjeclo, inay Madaafiicda iyo xasuuqa ka joojiyaan oo dhulkooda uga tagaan. Maato dooxaas, Suldaanku wuxuu ku taageersanaa Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin.


Reer SSC, markey guuleysteen ee dhulkoodii qabsadeen, in ka badan 20 jeer ayey ugu baaqeen Habarjeclo inay Nabad qaataan, laakiin baaqyadaas oo dhan waxay ku dhacayeen Dhego iyo Qalbiyo awdan.


8.11.2023 , koox Ciidanka Muuse Biixi iyo maleesiyaad uu hubeeyey oo Habarjeclo ah oo ka duuley deegaanka Buq dharkeyn ayaa dad reer miyi ah ku soo laayey deegaanka Yeyle, qaar kalena lagu soo dhaawacay.Ma maqasheen qof oo Habarjeclo ah oo gardaradaas ka hadley?


Suldaanku kama hadalin dhibkaas reerkiisa iyo Ciidanka Muuse u geysteen walaalahooda Dhulbahante ay ood wadaagta yihiin.


Xadiiskii wuxuu ahaa, walaalkaa u hiilli, haddii uu gardaryeyna ka qabo, haddii laga gardaranyeyna u hiilli. Laakiin Suldaan Siciid, wuxuu qaatey Xeer odhanaya Habarjeclo u hiilli hadday gardarantey iyo haddii laga gar daranyeyba oo qori la garab istaag.


Isla maanta, waxaa Soomaali oo dhan arkeysay inay Garaadadii reer SSC ay raaligelin ka bixiyeen wixii ka dhacay Buq dharkeyn, baaq cusub oo nabadeed iyo in la wada hadlana soo jeediyeen. Wiig ka horna, waxaan arkeyney inay Buuhoodle ka hadlayeen, iyagoo ambiil u sameynaya 2 Maxbuus oo sida la sheegay bil ka hor dagaal lagu qabtay.


Baaqyada nabada ee Garaadada SSC, Suldaan Siciid wuxuu yidhi aamus ayaan uga jawaabney. Inta Muuse Biixi u adeegta iyo Habarjeclo, baaqyadaas nabada waxay u qaateen baqdin iyo tamar darro reer SSC.


Dad badan waxay aaminsanyiin in Suldaanku yahay Makarafoon ay ka dhex hadlayaan qabqablayaasha dagaalka ee Somaliland (War lords), Muuse Biixi, Maxamed Kaahin, Saleebaan Gaal, Cali Mareexaan iyo Kujare.


Suldaan Siciid, waxa loogu nasteexeynayaa inaanu ku dhicin fidno iyo debinka ay Muuse Biixi iyo Suldaan Xasan u dhigayaan beesha Habarjeclo oo ah inay geliyaan dagaal lagu xasuuqmo.


Allow yaa wax suureeya……..

Wacanaa sansaankeedu

Badanaa sudaaddeedu

Saxanaa hanaankeedu

Allow yaan sugnaanteeda

Saymiyo u rogin duullan

Subax noolba dhiig daata

Xadhig iyo silsilad shiilan

Allow yaan sinaanteeda

Ku beddelin saraar oodan

Iyo seere wiil qeytay

Dadka saaran guudkeeda

Yaan ka dhigin sabool qaawan

Iyo soobir caydh jooga

Erey sami wuxuu gooyo

Allow yaan ku jarin soodhka

Garashada ka dhigan seefo.

Qore: Naaleeye
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...