Ragga Somaliland Sii Dhawrayoow, Shalay Ayey Dhimatay

0
Sunday November 12, 2023 - 12:02:02 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ragga Somaliland Sii Dhawrayoow, Shalay Ayey Dhimatay

    qayb-qaateen iyagoo sita magac reer, {HJ}

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

qayb-qaateen iyagoo sita magac reer, {HJ}


Sideedaba qofku warka uu jecel yahay buu u dhego-raaricyaa , run iyo been kay tahayba. Taas waxa maanta ka dhigan in aan dad badani ka dhaad qabin in 09.11.2023 Somaliland ku dhimatay tuulada Buq-Dharkayn, gobolka Sool, ka dib markii dagaal beeleedyo halkaas ka billaabmeen, ciidaamda Somaliland toos uga


 qayb-qaateen iyagoo sita magac reer, Habar Jeclo (HJ). Ka garo geerida sarkaal sare Haybe Dawaco oo 10.11.2023 lagu aasay Burco, kuna dhintay dagaalkaas. Isla maalintaas ayuu suldaan Saciid Yusuf iclaamiyey dagaal beeleed, isagoo u taagan magaca beesha HJ, kuna aaddan beesha Dhulbahante (DH). Taasoo ka

 dhigan, laga bilaabo 10.11.2023, wuxu suldaanku la wareegay hoggaankii dalka, isagaana ah taliyaha guud ee ciidamada, kol haddii ciidanka dalku wada HJ noqdeen. SL waxay fikriyan hore ugu dhimatay Laascaanood, 6dii Febraayo 2023, shalayna Burco ayaa lagu aasay. Ragga Somaliland sii dhawrayoow, shalay

 (10.11.2023) ayey dhimatay.

M A Ahmed

London, UK

12 11.2023


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...