Dad Nool Baan Hadal Deynahayne,Dareenka Damqashada Jidhkayga,Debnaha Maan Kala Fureenba.

0
Saturday November 11, 2023 - 10:22:48 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 808
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad Nool Baan Hadal Deynahayne,Dareenka Damqashada Jidhkayga,Debnaha Maan Kala Fureenba.

    Bismillahi Alraxmaan Alraxiim {A.S.C.W.R.W.B}

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismillahi Alraxmaan Alraxiim {A.S.C.W.R.W.B}


Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

 

Dagaal Ciidanan Aqoon,Dareen Qaranimo Lahayn,

 

Diliyo Qabashuun Jooga,Dabaabadahii Ka Cararay,



 

Difaacoodi Duul Baneeyay,Dalkoodii Ceeb U Keenay,

 

Daayaca Dalka Kii U Geystay,Diliyo Dacaskisa Weeye,


 

Dawlada Yaa Sheeganaya,Kuma Doqoniimo Diidan,

 

Daarood Mana U Faana,Duulan Manaw Dhaqaaqa,


 

Durufa Maanta Jooga,Iyagoon Dhaqso Isu Doorin,

 

Dawladey Mana Ku Sheegta,Mana Qayrkay La Dooda,


 

Daldalolka Anigon Gufayn,Daboola Dushoda Saarin,

 

Doolalo Ma Ii Banaantay,Dalkaygu Intuu Sidas Yahay.


 

Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...