Xaaalad Adag Oo Laga Soo Sheegayo Degmada Buurdhuubo
"Xalay oo u dambeysayna bakhaarradii ganacsiga ayay biyo galeen"
Xaalad aad u adag ayaa
laga soo sheegayaa degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo, kaddib markii daaddad
soo rogmaday iyo fatahaadda webiga Juba ay qaadeen dhammaan xaafaddaha ay
degmadu ka kooban tahay. Xalay oo u dambeysayna bakhaarradii ganacsiga ayay
biyo galeen. Boqollaal qoys oo ka qaxay magaalada ayaa isugu tagay dhulka
taagga ah iyo buurraha, waxana haysta xaalad nololeed oo aad u daran.
Xaafad kamid ah kuwa
magaalada oo muddaba go’doon ahayd ayaan war loo hayn xaaladda dad kii halkaas
ku noolaa.
Buundada magaalada ayaa
iyana la sheegay in ay biyhu ka sare mareen.
BBC
Loading...
Loading...