Somaliya Oo Dacwad Ka Gudbinaysa Dalka Gini Oo Qaab Heer Sare ah Madaxwaynaha Somaliland U Qaabilay.
Somaliya Oo Dacwad Ka Gudbinaysa Dalka Gini Oo Qaab Heer Sare ah Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland U Qaabilay.

Hargaysa(HWN)Wasiirka
Arimaha Dibadda Somaliya Axmed Ciise Cawad Oo Ka cadhaysan Waftiga Somaliland
Ee Sida Meeqaamka Sare loogu soo dhaweeyay Dalka Gini ayaa kulan saxaafadeed uu
warbaahinta muqdisho iskugu yeedhay uu ka baaqday.

Warbaahinta
Muqdisho ayaa waxa looga yeedhay Xafiiska wasiirka arimaha dibada iyadda oo
loogu baaqayo in ay ka soo qayb-galaan shir muhiim ah oo wasiirku qabanayo.
Saacad
ka hor waqtigii loo ballansanaa shirka Jaraa’id ayaa la sheegay inuu baaqday
kulankii uu Saxaafadda isugu yeeray Wasiirka iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn
sababaha keenay balse loo badinayo inuu Wasiirka soo saari doono war
saxaafadeed qoraal ah.

Sida
ay ku helayo Shabakadda HadhwanaagNews wasiirka ayaa doonayay inuu ka hadlo
qaabkee madaxwaynaha jamhuuriyadda somaliland iyo waftigii uu hogaaminayay
loogu soo dhaweeyay dalka Guinea taas oo dawlada Somaliya ka Cadhootay.
Dawlada
somaliya ayaa ilo lagu kalsoon yahay ka soo wariyeen in ay diyaariyeen dacwad
ay u gudbinayaan Midowga Africa oo ka dhan ah dalka Guinea taas oo qaabkii ay
madaxwaynaha u qaabileen ka dhigay dal madax banaan sida ay iyagu ku doodayaan.
Madaxweynaha
Somaliland Muuse Biixi ayaa xalay gaadhay caasimadda dalka Jamhuuriyadda Gini
(Guinea) ee galbeedka qaaradda Afrika oo ay marti-qaad rasmi ah ka heleen.
Madaxweynaha
iyo weftiga uu hogaaminayey waxa Garoonka caalamiga ah ee Conakry ama Gbessia
International Airport ee caasimadda Jamhuuriyadda Gini (Guinea) ku qaabilay
wasiirka arrimaha dibadda dalka Gini, Mudane Mamadi Toure.
Intaa
kaddib, madaxweyne Biixi iyo weftiga uu hoggaaminayey, waxa Garoonka Conakry
International Airport lagaga qaaday diyaarad khaas ah oo nooca qummaatiga u kaca
ah ee (Helicopter)-ta loo yaqaanno, taas oo si toos ah madaxweynaha iyo xubnaha
weftiga ah u geysay qasriga madaxtooyada waddanka Jamhuuriyadda Gini sida uu ku
soo waramayo afhayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame jaamac.
Loading...
Loading...