DEG DEG Ciidanka SOMALILAND oo Dhirbaaxo kulul ku dhuftay Ciidanka SSC oo soo weeraray Deegaanka Buq-dharkayn

0
Thursday November 09, 2023 - 09:48:49 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 3991
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Ciidanka SOMALILAND oo Dhirbaaxo kulul ku dhuftay Ciidanka SSC oo soo weeraray Deegaanka Buq-dharkayn

    ciidanka Ssc ayaa aroornimadii hore soo weeraray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ciidanka Ssc ayaa aroornimadii hore soo weeraray



Ciidanka Somaliland, ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay ciidanka Ssc ee ka dagaalamayey Gobolka Sool oo weerar ku soo qaaday fadhiisin Ciidanku ku leeyahay Deegaanka Buq-dharkayn oo dhaca Koonfurta Degmada Oog maalintii Shalay oo Arbaco ahayd.


 

ciidanka Ssc ayaa aroornimadii hore soo weeraray deegaanka Buq-dharkayn, iyagoo wata gaadiid dagaal, iyadoo uu qorshohoodu ahaa inay gaade kula wareegaan Saldhigyada Ciidanka iyo Magaaladaasi,waxaanay waxyeello u geysteen Dad Shacab ah oo ay Arbush ku soo jiidheen ka hor intaanay Ciidanka Milateriga is-waajihin.



 

Ciidanka Somaliland oo gudanaya waajibaadka difaaca amniga Dalka, ayaa khasaare badan gaadhsiiyey kooxdaasi, isla markaana ka qabtay Maxaabiis iyo Gaadiid gaashaaman oo ay wateen.

 

 

Weerarkan ciidanka Ssc soo qaadeen, ayaa ah daandaansi ay mar kale colaad kaga hurinayaan gobolka Sool.

Loading...
Loading...