SSC Oo Ka Hadashay Dagaal Maanta Dhex Maray Somaliland.
Laascaanood, 08
November 2023:- Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu si dhaw ula socdaa go’aammada
colaadeed ee ka imaanaya maamulka Somaliland, kuwaas oo ku hawlan in ay colaad
qabiil iyo dagaal beeleedyo ka abaabuulaan beelaha deggan deegaammadaas.
Maamulka Muuse Biixi
wuxuu saaka weerar kusoo qaaday deeganada Buqdharkayn ilaa Yeyle oo isku jirta
masaafo dhan 8 Kilometer. Deegaannadaas oo shalayna ay ciiddammada Soomaalilaan
ku laayeen dad reer miyi ah kuwo kalena ku dhaawaceen. Weerarka saaka ayay
malayshiyaadku ku laayeen dad reer miyi ah kuwo kalena ku barakiciyeen.
Ciiddammada difaaca
maamulka SSC-KHAATUMO oo heegan buuxa ku
jiray ayaa ka jawaabay weerarkaa fulaynimada ah iyagoona iska caabbiyey
malayshiyaadka maamulka Somaliland.
Maamulku wuxuu
ogaysiinayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, in Muuse Biixi
uu ka dhabaynayo ballan qaadkii colaad ka hurin deegaannada oodwadaagta ah,
taasoo keenaysa dhimasho, burbur, iyo qaxinta bulshada oodwadaagta ah.
Haddaba, Maamulka
SSC-Khaatumo isaga oo gudanaya waajibaadka iyo masuuliyadda ka saaran
shacabkiisa iyo deegaankiisa wuxuu caddaynayaa in uu si dhab ah u qaadanayo
colaad hurinta ay Somaliland waddo si dhawna uu ula socdo dhaqdhaqaaq kasta oo
ay Somaliland damacsan tahay.
Sidoo kale Maamulka
SSC-Khaatumo wuxuu ogaysiinayaa Beesha Caalamka in ay diyaar u yihiin nabad
kula noolaanshaha deriskooda, islamarkaana aannu u hoggaan samayno xeerarka
caalamiga ah iyo go’aammada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.
Ugu dambayn, Maamulka
SSC-Khaatumo waxuu mar labaad hoosta ka xarriiqayaa in ay u diyaarsanyihiin
difaaca iyo ilaalinta nafta, dhulka iyo sharafta deegaannada SSC-Khaatumo oo
idil, weerar kasta oo ka yimaadda Muuse Biixina ay ka dhalan doonto cawaaqib
aan la mahadin, kuwaas oo uu masuuliyaddeeda qaadayo Muuse
Biixi iyo kooxdiisa.