Madaxweynaha Puntland Oo Morgan Iyo Saraakiil Kale La Kaashanaya Dib U Habaynta Ciidankiisa

0
Wednesday July 03, 2019 - 20:03:20 in News by
  • Visits: 3194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland Oo Morgan Iyo Saraakiil Kale La Kaashanaya Dib U Habaynta Ciidankiisa

    Madaxweynaha Puntland Oo Morgan Iyo Saraakiil Kale La Kaashanaya Dib U Habaynta Ciidankiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Oo Morgan Iyo Saraakiil Kale La Kaashanaya Dib U Habaynta Ciidankiisa


Garoowe(HWN):-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa bilaabay qorshe uu balanqaaday oo uu dib u habayn ugu samaynayo ciidamada maamulkaasi.

Image may contain: 3 people, people standing, sky, shoes and outdoor

Image may contain: 1 person, standing and outdoor
Image may contain: one or more people, sky, child, outdoor and nature

Madaxweyne Deni ayaa qorshaha ciidamada la kaashanaya Gen Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo ka mid ahaa saraakiisha dawladii milatariga ahayd ee soomaaliya isla markaana lagu eedeeyo inuu ka dambeeyey xasuuqyo ay gaysteen ciidamada soomaaliya.


Madaxweynaha Puntland ayaa kulan uu la qaatay ciidamada waxa faah faahin ka bixiyey afhayeenkiisa Jaamac Daparaani " Ujeedka Kormeerka Madaxweynaha iyo Kulanka gaarka ah ee uu la qaatay Saraakiisha Ciidamada waxaa uu ku saabsanaa tirakoobka iyo tayeynta dhismaha Ciidamada Dowladda Puntland, si loo helo Ciidamo tirsan oo tayeysan, taasi oo qeyb ka aheyd ballan-qaadyadii Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni". ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Jaamac Dabaraani.

Image may contain: one or more people, people standing, sky and outdoor
Image may contain: 2 people, people standing, sky, outdoor and nature
Image may contain: one or more people, people standing and outdoor
Image may contain: 4 people, people standing and outdoor

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Deni ayaa bogaadiyey Ciidamada Dowladda ee habeen iyo maalin u heelan amniga iyo difaaca dalka, wuxuuna Madaxweynuhu faray dhammaan Saraakiisha in la fududeeyo si dhakhso ah hirgelinta tayeynta Ciidamada Dowladda.


Dowladda Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa muhiimad gaar ah siinaysa Dhismaha Ciidamada, Waxaana Madaxweyne Deni intii uu xafiiska joogay uu sameeyay kormeero iyo kulamo ku saabsan hirgelinta qorshaha dib-u-habeynta Ciidamada Dowladda Puntland.


Kormeerka waxaa ku weheliyey Madaxweynaha, Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal, Taliyaha Guud ee Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere iyo Afhayeenka Madaxtooyadda Dowladda Puntland Jaamac Dabaraani.


-DHAMMAAD-

Loading...
Loading...