Faa'iidada Laga Helo In Lammaanaha Ay Kala Seexdaan Labo Sariirood.
Waa wax iska caadi ah
in lammaaneyaashu ay sariiro kala duwan ku seexdaan mararka qaar, sida marka
midkiin uu safro, ama uu la ildaran yahay xanuun.
Daraasado ayaa
muujinaya in lammaanaha haddii ay seexdaan laba sariir ama laba qol ay leedahay
faa’iidooyin maskaxeed iyo kuwa caafimaadba. Sida lagu daabacay bogga
relationshipsnsw.org.au.
Waxaa halkaan idinkula
wadaageynaa shan faa’iido oo ay leedahay in lammaanayaasha ay seexdaan sariiro
kala duwan.
Hurdo fiican
Marka la eego aragtida
dhabta ah, in lammaanaha ay seexdaan sariiro kala duwan waxay sare u qaadi kara
tayada hurdada.
Marka aadan
lammaanahaaga kala kulmin waxyaabaha hurdada kaa carqaladeynayo sida rafashada
iyo khuurada waxaad heleysaa hurdo iyo nasasho fiican.
Taasina waa war
wanaagsan, sababtoo ah hurdo aan kala go' lahayn ayaa lagama maarmaan u ah
caafimaadka guud ee qofka.
Dhab ahaantii, hurdo
la'aantu waxay kordhisaa khatarta ah inaad ku dhacdo xaalado caafimaad oo halis
ah, oo ay ku jiraan cayilka, sonkorowga iyo cudurada wadnaha, sida uu qabo
Harvard Medical School.
Muranka lammaanaha
In lammaanaha ay labo
sariirood kala seexdaan ama laba qol waxay hor seedi kartaa inuu yaraado
muranka oo isna hor seedo inuu qofka hurdada ka qasanto.
Cadaadiska kulanka
lammaanaha oo yaraada
Lammaanayaasha
qaarkood, kulanka ka hor xilliga jiifka ayaa waxa uu u noqday caado. Laakin
haddii maalintaada ay dheereyd ama aad u soo daashay oo aysan niyaaddaada ku
jirin inaad lammaanahaaga la xaajooto, waxaa laga yaabaa inaad ka walwasho
inaad inaad diido lamaanahaaga.
Balse marka ay
lammaanayaasha seexdaan sariiro kala duwan, waxaa meesha ka bixi karto rajada
ah inaad galmo samayso, sida ay qabto Overstreet oo ku taqasustay arrimaha
qoyska.
Dadka jecel inay
sariirta keli ku noqdaan
Waxaad samayn kartaa
tan marka aad ku seexato sariiro kala duwan. Uma baahnid inaad meel u kaydiso
xaaskaaga ama qof kale si aad u seexato sidaad rabto.
Dadka qaar ayaa jecel
inay keligood sariirta seexdaan ama ay isku ballaariyaan sidaas darteed dadka
noocaan ah marka ay lamamaano noqdaan waxaa ay dareemaan ciriiri iyo raaxo
la’aan sidaa darteed waxay u baahan yihiin inay sariirta ka helaan boos ku
filan marka qof noocaan ah ayaa waxaa caawin kara inuu helo ama hesho sariir
gaar ah.
Si kale haddii loo
dhigo, waa inaad awood u yeelatid inaad hesho boos kuu ogolaanaya inaad ku
raaxaysato.
Waxaad ku kici kartaa
jadwalkaaga
Waxa laga yaabaa inay u
baahdaan inay goor hore kacaan si ay shaqada u aadaan marka ay dhawr saacadood
seexan karaan.
Waxaa laga yaabaa in
sababta ay lammaanaha sariiro ama qolal kala duwan u seexdaan ay sababi karto
in jadwalkooda shaqada uu kala duwan yahay oo qof ka mid ah uu aroor hore kaco
halka qofka kalana laga inuu markaasbo saacado yar jiifay oo qofkii hurdada ka
carqaladeeyo. Marka haddii qofka uu seexdo qol kale waxaa uu ka badbaadayaa
inay hurdada ka xumaato.
Laakiin lamaanaha inta
aysan go’aansan inay seexdaan sariiro ama qolal kala duwan waxaa looga baahan
yahay inay qodobbadaan tix-geliyaan.
1: Haddii Hurdadaada ay
saameyn ku yeelaneyso inaad sariir la wadaagto lammaanahaaga.
2: Haddii aad inta
badan dagaalantaan ama aad murantaan.
3: Haddii qofkiin uu
wajahayo isku buuq badan.
4: Haddii ay saameyn ku
yeelaneyso xiriirkiina.
BBC