Bayaan Ka Soo Baxay Shirkii Beelweynta Muuse Ismaaciil Galbeed Uk ( Ali Biixi).

0
Wednesday November 08, 2023 - 10:00:41 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Bayaan Ka Soo Baxay Shirkii Beelweynta Muuse Ismaaciil Galbeed Uk ( Ali Biixi).

    In qarannimada Somaliland ay tahay mid muqadas ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In qarannimada Somaliland ay tahay mid muqadas ah.


Waxa magaalada Birmingham ee dalka UK lagu qabtay shalay (05/11/23) shir, kaas oo ay ka soo qayb galeen xubno ka kala socday Jaaliyada Muuse Ismail Galbeed ee degan dalka Ingiriiska. Waxana ka soo baxay bayaankan hoos ku qoran:-


 

(1) In la wada ilaaliyo nabad gelyada iyo xasiloonida Somaliland.

(2) In qarannimada Somaliland ay tahay mid muqadas ah.



(3) Waxa ummada reer Somaliland u dan ah in helo Somaliland la wada leeyahay oo loo siman yahay.

(4) In doorashooyinkii xiligoodii lagu qabto si looga baxo muranka siyaasada ee sababay kala fogaanta dadka reer Somaliland.


(5) In xukuumadu colaadaha dalka ka socda ay wada hadal iyo is afgarad ku dhamayso.

(6) In dariiqii wada tashiga iyo isu tanaasulka ee Somaliland lagu yiqiinay ay ku dhamayso dhibaatooyinka dalka ka taagan.


(7) In meel kasta beeluhu nabad gelyo ku wada noolaadaan.

(8) In la dardar geliyo adeegyada bulshada iyo horumarka deegaanada Muusa Ismaaciil Galbeed.


(9) In midnimada iyo isku xidhnaanta qurbo jooga iyo qolqol jooga beesha la xoojiyo si looga midho dhaliyo himilada bulsho waynta reerka.


(10) In Guryasamo Foundation si hagar la’an ah oo aqoon leh loo maamulo guddida cusubna lala shaqeeyo.

(11) In guddidan la doortay iyo tan dalka Somaliland gudihiisa joogta ee Muuse Ismaaciil Galbeed ay wada shaqeeyaan.


 

Wa Bilaahi Tawfiiq

Mr Ali Biixi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...