Samaroon Iyo Ciise Way Tashadeen Ee Deegaan-koodda Ha Loo Daayo ( Abdi-Shotaly).

0
Wednesday November 08, 2023 - 10:00:49 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1011
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Samaroon Iyo Ciise Way Tashadeen Ee Deegaan-koodda Ha Loo Daayo ( Abdi-Shotaly).

    *N.B Kabash-Kabashta Iyo Ergo Diristu Waa Maxay, Yaa Weli Is Gaadhay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

*N.B Kabash-Kabashta Iyo Ergo Diristu Waa Maxay, Yaa Weli Is Gaadhay?

Horey somalidu u tidhi " Doqntu Haday gar qaadato waa lagaa adkaaday" Bay is tidhaahaaye, ee shaw kuwan bay sii ogaayeen, ooy sir iyo caad-ba wax ugu sheegeen, dul iyo hoos-ba waax-yaha ummadda, ee kala duwani qayb kasta oo ay ka soo jeedaan-ba ku xiiqeen, haday tahay, Culumo, madax-dhaqmeedyo, ganacsato, xusbiyo, dhamaan ururadda bulshadda oo nooc ay yihiin-ba aan u kala hadhin, siddii loogu soo dabaali lahaa degenaansho iyo nabad ka talin. Akhristaw hadal isaga baa iska badane , Ina Cabdi-dameer waa " Raggii ma adigaa ka hadhaye Iyo askariga kale, ee siddii daba-geliskii awrta la isugu xidhi jirey ku xidhiidh-sani waxaas oo dhan dheg way u jalaqsiin waayeen. kana sii qaadeen kibir, ku jiqsii, ku cariigso, iyaka oo is biday awood.Horaa loo yidhi " Markay kadan tahay bay Alle taqaanaaye" Halka hoose ka akhri waxa hadeer ay la kulmeen. Wakhtigu waa Giraan wareegaysa, oo midabo badan, leh duruufo kala duwan, ee haduu dabadda u soo jeediyey askartii caanaha ku dabaal bartay, oo siddii duqsiggii ay fuud kulul daf yidhaaheen. "Kabash-kabastu iyo Ergo diristu" Waa maxay weli la isma gaadhine, saw idinkii hanjabaayey. Ma intaas baad ku filaydeen.



" Dul- qaad waa inta xumaan loo samri karo'e" Bay odhaah hore oo ay xikmadi ku duugan tahay ahayde, ee wuu soo gabaga-boobay dul qaadkii, rajaddii la naawelaayey iyo samirkii-ba,oo hadeer wakhti-giisii wuu iska dhamaaday, imika buu Ina cabdi dameer, ka daba-raq-raq leh ee Geenyo-Shaaximan" Iyo kooxdda ay ku adeeg-taan,ee ka daba sacabisaa, warankii ay ridayeena gonda-hoodda fadhiistay, sababta oo ah "Doqonta ilaa indhaha lagu dhufto wax ma garato'e" Hadda bay dani u run sheegtay,oo waa kaas Dhulbahante siddii " Nibiri" Xabad kaluuna helay afka u dhigtay, leh waan idinka soo baxayaa ee yaan la i weerarin,Durba wuxu bilaabay, in uu iska hor keen Samaroon iyo Ciise. Tiina socon wayday, oo wuu ku saaqaiday.Waxan ku soo xidhay, waa arag-teen oo Harti way tegeen, Samaroon Iyo Ciisana way ka dhan tahay "Dagaal waa ina daan-weyne",

waa tii la idiinku taag waayey qun yar socodee.

*N.B Kabash-Kabashta Iyo Ergo Diristu Waa Maxay, Yaa Weli Is Gaadhay?

Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...